Allah Ka Cabsigii Abuubakar Al Siddiiq (RC)

0
401

Imaam Axmed Ibnu Xanbal kitaabkiisa la yidhaahdo Asuhdi waxa uu ku qoray in Abuubakar (RC) yidhi : ” Dadoow Allah dartiis u ooya, haddii aydaan ooyi karin ku dadaala inaad iska oohisaan”. Abuubakar Asidiiq (RC) ayaa maalin kale carabkiisa foodiisa qabtay, markaasi ayuu yidhi “ Kan carabkayga ah ayaa i dabaalsiinaya togaga” Wuxuuna ujeeda hadalka uu ku hadlayo. Wuxu ahaa Saxaabi Allaha ka cabsi badan waxaana uu dhaliilayaa naftiisa.
Imaam Axmed waxa kale oo uu werinayaa “ In Abuubakar markuu  isu taago Salaadda uu ahaa sidii tiirka oo kale, oo aan dhaqdhaqaaq lahayn, cabsi Allah darteed”.
 

Leave a Reply