Hoos U Dhac Laga Dareemaayo Sarifka Doolarka Suuqyada Hargaysa Kadib Markii Baanku Lacag Kusoo Daayay Suuqa

0
418

Waxa muddooyinkii ugu danbeeyay suuqyada sarifka lacagaha laga dareemayay kor u kac ku yimid sarifka Doolarka kaas oo maalinba maalinta ka danbaysa kor usii kacaayay laakiin tan ayaa maalmihii u danbaysa la dareemaayay xaal ka duwan kaas, oo la darareemayay inuu hoos u dhac ku yimid inkastoo aan la odhan Karin waxa uu gaadhay meel aad u hoosaysa laakiin waa mid la dareemaayo hoos u dhacaasi, tan ayaa ka danbaysay kadib markii Baanka dhexe ee Somaliland uu suuqyada kusoo daayay lacago si uu u kaantaroolo sarifka doolarka ee hawada kusii socda taas oo ay ka mid tahay shaqooyinka uu qaranka u xil saran yahay iyadoo maalmihii u danbeeyayna warbaahintu qoraysay hadalo ay ku durayso shaqada Baanka balse uu hadda ay leeyihiin masuuliyiintii Baanku waanakan.
Sarifka ayaa hoos usoo dhacay waxaanu marayaa gacanta hore ilaa 715,000, iyadoo aan la saadaalin Karin halka uu gaadhi karo maalmaha soo scda.
 

Leave a Reply