Bangiyo Yurub ah oo ku Guuldaraystay Baadhis la Sameeyay

0
491

Masuuliyiinta dhaqaalaha ee Midowga Yurub, ayaa sheegay in labaatan iyo afar bangiyada ugu wayn Yurub ay ku guuldaraysteen baadhis lagu sameeyay lacagta kaydka ee laga rabo inay haystaan, hadii ay timaado dhibaato dhaqaale adduunka.
Saddex iyo toban ka mid ah bangiyada baadhista lagu sameeyay ayaa u baahan inay helaan balaayiin dollar oo lacag cusub ah.
Masuuliyiinta kormeera bangiyada Yurub ayaa kormeeray in kabadan boqol iyo labaatan bangi. Waxay heleen in bangiyada ku guuldaraystay baadhitaanka ay u baahan yihiin markii la isku daro ku dhawaad lacag dhan labaatan iyo shan bilyan oo dollar.
Bangiyada ku guuldaraystay baadhitaanka lacagta kaydka ee ay haystaan ayaa loo qabtay laba toddobaad inay ku soo gudbiyaan qorshe ay ku kordhinayaan lacagta ay haystaan.
Wariyaha BBC ayaa sheegaya in bangiyada ugu badan ee baadhitanka ku guuldaraystay inay yihiin bangiyada Talyaaniga.

Leave a Reply