Faa’iidada Sharkada Yahoo Ayaa Kor Ukac Ku Yimd Ka Dib Iibsigay Iibsatay Sharkada Ali Baba

0
385

Sharkada Yahoo ayaa la tilmaamay in ay faa’iido gaadhaysa $ 6.8 billion intii lagu jiray Saddex biloodkii labaad ee sannadkan aynu ku jirno faa’iidan ayaa aad uga farxiyay saamilayda Sharkada Ali Baba oo dhawaan ay iibsatay sharkada Yahoo.
Laakiin dakhliga guud ee shirkadda ayaa kordhay boqolkiiba hal, taas oo u dhiganta $ 1.15 billion, marka loo eego isla xilligan sannadkii la soo dhaafay.
Faa’iidadan ayaa lagu asababaynayaa inay qayb ka qaadatay iibsiga ay iibsatay sharkada Ali Baba ee laga leeyahay dalka China.
Saamiyada Sharkada Yahoo ayaa kacay in ka badan boqolkiiba laba inta lagu jiro saacadaha uu furan yahay suuqyada ganacsiga, kadib marka la xidho suuqyada stock US.
Sharkada Yahoo ayaa sheegtay in dakhliga shirkada telefoonada gacanta ku bixisay lacag ka badan $ 200 milyan oo lagu jiro Saddexda bilood ee ugu danbeeya.
 

Leave a Reply