Sharkada Microsoft Oo Hoos U Dhac Ku Yimid Faaiidadeeda Iyadoo Hadda Uun Iibsatay Sharkada Nokia

0
369

Sharkada Microsoft ayaa la shaaciyay inuu hoos u dhac ku yimid faaiidadeedii dhanka iibka kasoo gali jiray xili uu wakhti koobani kasoo wareegay la wareegiday iibsatay sharkada Nokia badhtamihii April.
Dakhliga sharkada Microsoft ayaa lagu sababeeyay hoos u dhacan iyadoo sharkadu dhintay shaqaale badan iyo iyadoo samaysay qiimo dhimis xagga iibka ah ee la xidhiidha wax soo saarka sharkada Nokia.
Hoos u dhacan ayaa waxa lagu sheegay in saddexdii bilood ee aynu soo dhaafnay ay faaiiday sharkadu $ 4.5 Billion taas oo macnaheedu yahay inuu hoos u dhac ku yimid 13%  faaiidadii sannadkii hore ay sharkadu faaiiday  xiligan oo kale.
Microsoft ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku dhimaayso 18,000 oo shaqaalaheeda ka kid ah bishii July, kuwaas oo ay ku jiraan 12,500 oo shaqo ee sharkada Nokia ka hawl gali jiray.
 

Leave a Reply