Gaddafi Wuu Ka soo Laabanaya Mashquulkii ( Taageerayaal)

0
401

Inkasta oo ay ka soo wareegtay saddex sano oo buuxa dilkii Madaxweynihii hore ee Liibiya Mucamar Al-Gadafi, kaasi oo lagu dilay sanadkii 2011 magaalada Misarata, haddan kooxo ka mid ah taagerayaashiisa ayaa aaminsan inuu nool yahay oo uu ku joogo meel aan la garanayn.
 
Taageerayaal badan oo uu lahaa Qadafi ayaa ukala qaxay dalalka Masar, Tunisia, Moroco iyo Mali iyo dalal kale oo carab ah ka dib dilkiisa.
 
Mid ka mid ah taagerayaasha Qadaafi ayaa sheegay  sida ay daabcady wargeyska Alyoum  bogiisa Internetka in Gadafi oo wata ciidan balaadhan uu soo noqon doono si uu Liibiya uga xoreeyo kuwa aan naxariista lahayn ee isku dhex dilaya.
Ninkn ayaa intaasi ku daray in Madaxweyne Gadadfi uu ka soo noqon doona mashquulka iyadoo arinkaasi loo arki doono sida qoraxda. Warkan ayay dad badani qabaan in aanu run ahayn laakiin u yahay mid niyad jabka lagaga biinayo taageerayaashii Qadafi si ay dib isugu abaabulaan.

Leave a Reply