Mid Ka Mid ah Beelaha Gobolka Sanaag Oo Taageertay Waxqabadka Xukuumadda Siilaanyo

0
471

Toronto, (Dawan)- Waxgaradka, cuqaasha, aqoonyahanka iyo dhalinyaradda beesha Muuse Ismaaciil (Gadhweyn) ee ku dhaqan dalka Canada ayaa majeertay waxqabadka xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay ka hirgelisay dalka muddadii ay xilka haysay.

Waxaanay sidaas beeshu ku sheegtay baaq wada-jir ah oo ay soo saartay, kaasoo u qornaa sidan: 
“Beeshu waxay taageersan tahay oo hiil iyo hooba la barbar taagan tahay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo gadh-wedeenka ka yahay.
Beeshu waxay xukuumadda ku ammaanaysa waxqabadka iyo horumarka ay dalka ka hirgelisay intii ay talada haysay, halka xisbiyada kale ay noqdeen kuwo hakad iyo carqalad gelinaya hour-socodka dimuqraadiyadda iyo horumarka dalka, iyagoo mucaaradka ay ku cuna duuban yihiin ashkhaas gaar ah oo dantooda oo keliya ka doonaya inay ku gaadhaan siyaasadda sida ku cad xisbiga waddani oo carqaladayn joogta ah ku haya waddada Ceerigaabo iyo Burco udhaxeysa, halkii laga sugayey inuu gacan ka gaysto horumarka dalka, iyadoo inta badan uu ku sifoobay xisbi ashkhaaseed daliilna ay u tahay sida ina Fadal, marna isaga casilayo loogana aqbalayo, haddana dib loogu magacaabayo xilkiisii isla muddo bil gudaheed ah, taasina waxay muujinaysaa inuu yahay shaqsi leh xisbiga taladiisa.
Beeshu waxa kale oo ay baaq hamabalyo ah u diraysaa beesha Cabdale Isxaaq ee uu gadh-wadeenka ka yahay Suldaan Xiiray, kadib markay muujiyeen taageeradooda welibana lacago aad u fara badan iskood ugu deeqeen waddada Ceerigaabo.
Beeshu waxay garab taagan tahay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaanay diyaar u tahay ka shaqaynta Horumarka dalka sida dhismaha waddada gobolka Sanaag iyo waxkasta oo horumar ahba
Ugu dambayn waxay beeshu mahad u diraysaa dhamaan jaalliyadaha dibadda ee ku hawlan sidii waddadasi u dhamaan lahayd.”

Leave a Reply