‘Waa Ayaan Darro Nin Doonaya Inuu Dalka Xukumo, Golihiisii Dab Sudhayaa” Xildhibaan Cali Gabiley

0
408

‘Bulshaddu Waxay Ka Dheragsan Tahay Khaladka Laga Galay Iyo Sida Loo Majara Habaabiyay Xeerkii Goluhu Ansixiyay’ Xildhibaan   Bukhaari

Hargeysa  (Dawan)- Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada Somaliland oo ka soo jeeda xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ee aqlabiyada golahaas ayaa ugu baaqay guddoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) inuu u hogaansamo xeerarka golaha iyo dastuurka dalka u yaala.

Xildhibaanada  kala ah Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, Saleebaan Axmed Cawad, Cali Bukhaari C/laahi Xuseen,  Cali Gabiley, Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), C/raxmaan Cismaan Caalin iyo Cali Xasan Cabdi Cali (Mareexaan) oo shalay shirjaraa’id ku qabtay Huteel Xaraf ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ay sheegeen in khilaafka ka taagan golaha  wakiiladdu uu ka danbeeyo guddoomiyaha golaha  oo ay ku eedeeyeen inuu  dhalan rogay xeerarkii diiwaangelinta madaniga   ah iyo codbixiyeyaasha ee gole weynuhu   ansixiyey, waxaanay tilmaameen in guddoomiye Cirro yahay masuulkii  ugu horeeyay ee xil ka qabta golaha ee wax ka badala xeer la ansixiyay.

Xildhibaan  Saleebaan  Cawad Cali Bukhaari oo ugu  horayn halkaa ka hadlay ayaa waxa uu  ku eedeeyay guddoomiye Cirro inuu badalay xeerka ay ansixiyeen waxana uu yidhi “xeerkii uu ansixiyay golaha wakiiladu ee loogu talogalay inuu ku shaqeeyo Komishanka doorashooyinku si loo galo doorashadda oo wakhtigoodii ku qabsoonto waxaanay bulshaddu ka dharagsan tahay khaladka laga galay iyo sida loo majar habaabiyay xeerkii goluhu ansixiyay xeer aan ahayn loogu gudbiyay golaha guurtida, taas oo golaha wakiiladu ka gilgishay una arkay in la baddaly  oo la macna duway xeerkii lagu shaqayn lahaa.

Sidaa daraadeed, waxa uu goluhu u soo jeediyay guddoomiyaha golaha wakiiladda in la joojiyo  xeerkaas aanu goluhu ansixinin lana gudbiyo xeerkii goluhu ansixiyay.”

Xildhibaan  Bukhaari oo hadalkaasi sii wata waxa uu yidhi “guddoomiyaha golaha wakiiladdu ergooyin faro badan oo is xil-qaamay  waa ka aqbaleen markii hore, waxaase cadaatay in xeerkaas uu dhalan rogay  aanu ka noqonan ayuu cadeeyay,  sidaA daaraadeed waxa uu goostay in xildhibaano tiro yar oo faro ku tiris ah oo dano gaara leh ayuu qaatay guddoomiyuhu go’aankoodii kalsoonidii uu goluhu  ku qabay guddoomiyaha  meesha  ayay ka baxday, sababtuna waxa weeye xeer dhan oo 9 qodob la badalay   oo  qodobo cusubna lagu kordhiyay waa la aqbali waayay waana la liqi kari waayay, waxaana goluhu  qaatay ashkhaas mooyee inta arrintaas laga garnaqsanayo in aanu goluhu   furmin.”

“Sidaa daraadeed waxa aanu u gudbinay guddoomiyaha mooshin ay ku saxeexan yihiin xildhibaano ku dhow 50 oo aanu leenahay guddoomiye hawshaas ha lagu garnaqo ee ha furin golaha, waana iska dhaga marayay dabadeedna xildhibaano tiro koobana ayaa shalay tagay golaha, waxaana nagu cambaareeyeen in aanu diidayno in doorashadu qabsoonto, ma waxa xilgudasho noqonaya in xeerkii dhamaa ee goluhu ansixiyay in la baddalo oo la majara habaabiyo ayaa noqonaysa oo guddoomiyihii dastuurka jabiyay qodobka 78 in aanu ka aqbalno in Komishanka  la ansixiyay.  Kalsooniba kuma qabno tirada soo baxaysa waayo xeerkii ayaa la arkaa sida loo  badalay,” ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari, waxaanu intaa raaciyay oo yidhi “Sidaa daraadeed, waxaan bulshadda caalamka ugu baaqaynaa iyo dadweynaha reer Somaliland inay ogaadaan in mushkiladu tahay golihii wakiiladda oo la khalday xeerarkiisa, waxaanan soo jeedinaynaa in guddoomiyaha iyo xildhibaanada tirada yar inay u hogaansamaan sharciga, aqbalana aqlabiyadda golaha.”

Xildhibaan Maxamed Xaaji  Yuusuf Waabeeye, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in la dhalan rogay xeerkii diiwaangelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha ee golaha wakiiladu ansixiyay , waxana uu yidhi “ sida laga warqabo waxa la maqlayay baryahan qaylo dhaan ku saabsan xeer ka  baxay golaha wakiilada oo la badalay. Xeerarka ay golaha wakiiladuna ansixiyeen waxa la og yahay in qaranka Somaliland ku shaqeeyo, marka uu dhamaysto nidaamka sharci ee loo gudbiyo golaha guurtida  ee loo gudbiyo madaxweynaha, iyadoo taa laga duulayo waxa xildhibaanadda badidoodu goosteen inay ka dabo tagaan xeerkaas la badalay oo ah markii u horaysay ee taariikhda Somaliland oo la badalo xeer ka soo baxay golaha wakiilada, aqlabiyadii golaha wakiiladu waxay codsadeen maadaama qaladkaasi dhacay  oo uu yahay mid wayn oo qalad sharci yahay in arrintaa la baadho iyadoo loo marayo hanaan wanaagsan, waxaanay noqotay in mooshin sifo sharciya u qoran oo aan nidhaahno arrintaasi inta go’aan laga gaadhayo, waxa aad noo hakisaan in aanu golaha wakiiladu furmin, dunida kale qoortaa lays gooyaa haday dhacdo arrin dambi ahi, arrintaasina aanu dawayno ayaan doonaynay waxaana dhacday in la hor joogsaday,  halkii  qoladii qaladka samaysay qaladkoodii ka sixi lahaayeen waxay ku darsadeen in yidhaahdaan lasku joojin mayo golihii ayaan furanaynaa,”

Mudane Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye waxa kale oo uu intaa raaciyay “Ggoluhuna waxa uu  ku shaqeeyaa sharci waxa uu  ku shaqeeya aqlabiyad waxaanu ku shaqeeyaa hal dheeri, konton mudane ayaa soo jeediyay in golaha la hakiyo iyagoo  15 mudane ah  ayay yidhaahdeen hakin mayno, ceebta halkaa ka dhacday lama wada laha waxa leh guddoomiyaha iyo xisbigiisa tiradda yare e go’aansaday  in yidhaahdaan golihii wuu furan ayhay.”

Xildhibaan C/laahi Xuseen  oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in guddoomiye Cirro aan wax-ba lagu aamin Karin, maadaama uu dhalan rogay xeerkii diiwaangelinta madanig ah iyo codbixiyeyaasha, waxaana uu yidhi “maxaa ii damaanad ah hadii la yidhaahdo   xubno Komishanka ee la ansixinayo la yidhaahdo wuu dhacay,  soo is-qabsi kale maaha, waxaana u arkaa wuxuu meesha ka dhacay inay tahay   hasha geela cunta, hadana cabaada, anigaana qaladka sameynaya umadana wax kale u turjumaya, ninka gole wuxuu ansixiyay jeebkiisa ka keenay barri  maxaynu ku aaminaa qaran masuuliyadeed iyo gole waxa uu sameeyay oo ay ku jiraan qodobo dastuuriya ku jiraan ayaa la jabiyay oo wax laga baddalay haddii  xeerkii aynu heshiiska ku ahayn qof inta uu jeebkiisa ka soo qaato waxa isagu  anfaca ku qorayo, maxaa laga rabaa Komishanka iyo doorashooyinka waa dambi qof galay waana in lagu oogaa, golahana waxa loo sameeyay oo xeerkiisu yahay in xeerku sida uu yahay loo raaco in aqlabiyadda loo hogaansamo..”

Xildhibaan Cali  Gabiley oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in aanay hore ugu dhicin goleyaashii wkaiiladda ee hore in xeer gole weynuhu ansixiyay in wax laga badalo, waxaana uu yidhi “anigu muddo badan ayaan ku jiray golaha wakiilada waxana soo maray saddex ka horeeyay kan imika jooga, saddexdaba ka horeeyay xeer lasku raacay oo goluhu u codeeyay nin baddalay ma jirin.”

Mudane Cali Gabilay waxa kale oo uu intaa raaciyay “Markaa nin doonaya inuu  dalka xukumo oo gurigiisiina gubanayo, waa ayaan darro, dabkana waxa sudhaya golaha wakiiladda guddoomiyaha  iyo dhawrkii xildhibaan ee la socda. mooshinka loo geeeyayna waxa ku  jiray aan ka heshiino xeerka diiwaangelinta madaniga iyo codbixiyeyaasha ee la badaly.”

“Had iyo gooraale wuu na ceebaayaa xildhibaanadayadda Kulmiye, waxaanu yidhaahdaa waa laga danbeeyaa meel ayaa lagu soo shiriyaa, waar anaga cidi nama shirin karto, waxaanan leeyahaya caydaana joogtuu ka dhigtay. Sidii uu u caayay guddoomiyaha xisbiga UCID markay isku qabsadeen xisbiga oo uu ku sheegay giinbaar. Golahana sidaas buu cay la daba taagan yahay,” ayuu yidhi Xildhibaan Cali Gabilay.

By: Khadar M. Dhako

Leave a Reply