Maraykanka Oo Xayiraad Dhinaca Socdaalka ah Ku Soo Rogay Cali Khaliif Galaydh

0
592

Nairobi, (Dawan)- Dawladda Maraykanka ayaa xayiraad ku soo rogtay Prof. Cali Khaliif Galaydh ka dib markii ay u aqoonsatay inuu yahay dagaal ooge fidmo ka dhex wada Somaliland.

Xayiraadda lagu soo rogay hor-joogaha kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo ayaa ka dambaysay markii dawladda dalka Itoobiya waddankeeda ka mastaafurisay Cali Khaliif Galaydh oo socdaalkiisii ugu horreeyay ee uu dibadda ugu baxo ku tegay dalkaas.

Wararka laga helayo dalka Maraykanka ayaa sheegaya in dawladda Washington kadib markii  todobaad ka hor waddanka Itoobiya laga mastaafuriyay Cali Khaliif Galaydh  ayuu Maraykanku xariyaad dhinaca socdaalka     ah uu kusoo rogay, iyadoo loo diiday inuu ka dhoofo waddanka Kenya oo uu waqtigan safar mastaafur ah ku joogo  safaaradda Maraykanku  ku leeyahay Kenya  ayaa ku wargalisay in  xayiraad dhanka socdaalka ah lagu soo rogay, iyadoo aan wax  faahfaahin ah ka bixin.

Dawladda washington ayaa xaqiijisay in xayiraadda dhinaca socdaalka ay ku soo rogtay Cali Khaliif Galaydh, isagoo doonaya inuu Kenya uga sii gudbo Maraykanka , waxaanay wararku intaas ku darayaan inay safaaraddu ku amartay inuu si joogto ah u yimaado xafiiskeeda Kenya, halkaasoo saraakiil ka socota laamaha sirdoonka Maraykanku ay su,aalo ku waydiin doonaan.

 Cali Khaliif Galaydh ayaa ku cawday inuu qabo xanuun aanu ka maarmayn inuu si dhakhso ah ula xidhiidho dhakhaatiirtiisa waddanka Maraykanka. Waxa kale oo uu  qareen ka qabsaday gudaha dalka Maraykanka, balse lama oga waxa uu usoo kordhin karo qareenkaasi.

Cali Khaliif ayaa dhawaan waxa dooxada Eerigoo loogu caleemo-saaray wax loogu yeedhay Madaxweynaha Khaatumo State Of Soomaaliya, caleemo-saarkaas oo colaad ka dhex abuuray qaybo ka mid ah deegaanka gobolka Sool, iyadoo dawladda Somaliland arrintaas kala hadashay dalalka caalamka, isla markaana gaadhsiisay inuu dagaal iyo colaado ka dhan ah Somaliland ku hawlan yahay.

 Sharciga dalka Maraykanka ayaa mamnuucaya in qof sita Passport-ka  dalkaasi uu waddan kale  oo adduunka ka mid ah  ka abuuro dagaalo  iyo colaado.

By: Siciid M.Askar

Leave a Reply