Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Oo Tababar U Furay Ganacsatada Caanaha Ee Hargeysa

0
446

Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland. Ayaa tababar u furay qaar ka mid ah ganacsatada caanaha ee magaalada Hargeysa, tabarbarkaasi ayaa lagu bararayay khatarta caafimaad ee caagadaha loo isticmaaalo kaydinta caanaha, islamarkaana waxaa ganacsatada lagu barayay islamarkaana lagu dhiirigalinayay isticmaalka Joog ama tiin halkii ay hore uga isticmaali jireen caagadaha.
Tababarkan oo mudo laba maalmood u socday ganacsatada caanaha ee magaalada Hargeysa, waxaa furitaankii hadal dardaaran iyo hoga tusaalayn isugu jira u jeediayay wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Dr; Cabdi Aw Daahir Cali, waxaanu caanalayda ugu bushaareeyay inay in wasaaradiisu waxabadan kala qaban doonto tayaynta caanaha iyo fayo dhowr koodaba. Waxaa ugu baaqay inay aqoonta ay korodhsadaan ku dabakhaan howlahooda islamarkaana gaadhsiiyaan ganacsatada kale ee aan iyagu fursad u helin inay aqoontan qaataan.
Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland. Ayaa soo saartay fariin ku aadan isticmaalka weel caanaha kaasi oo ay ka bulshada uga digtay isticmaalka caagadaha caanaha lagu kaydsado, waxaana dadwaynaha Somaliland ku boorisay inay isticmaalaan joogag nadiif halkii ay hore uga isticmaali jireen caagado.
Fariinta  wasaarada xanaanada xoolaha ayaa ay muhiimahdeedu tahay sidii bulshada u heli lahayd caano nadiifa oo saxada waxu-dhimayn.
 
Cudurka Oof-wareenka (Pneunomia)
Cudurka Oof-wareenka, waxa uu ka mid yahay cudurada xoolaha ka haleela habka neefsashada waxaanu kaga dhacaa sambabada kaasi oo sababa in ay ku adkaato neesashadu, waxaanu ku dhacaa dhamaan xoolaha sinsiyadaha kala duwan, waxaanay ka qaadan inta badan marka xoolaha lays kugu geeyo xero yar ama guri islamar ahaantana ay ku yar tahay hawada, cunto ama calaf xumo hayso.
 
Cudurka Oof-wareenka, waxa sabab bakteeriya, vires ama parasite; Tusaale ahaan xoolaha qaar sida Lo’da Pasteurella, multic ida, salmonella iyo IBR. Sidoo kale Fardaha waxay ka qaadaan bakteeriyooyinka kala ah, Streptococci, Cornynbacterium, E.colli iyo waliba Virus lagu magacaabo Equine herbs virus1 (EVR).
Cudurka Oof-wareenka, waa calaamad lagu garan karo cudurka Halis ah oo khatr badan. Waxaana uu xoolaha ku dhacaa ama xayaankaba marka dawo dareere ah afka laga siinayo (Liquid medicine) taas oo u gudbi karo Trachea si khaldan oo lama filaan ah.
Calaamadaha Cudurka Oof-wareenka
 
xoolaha ku dhaca qufac, waxaana ku adkaata neefsashada, duuf sanka ka yimaada iyo xumad. Neefka qaba Cudurka Oof-wareenka daran (severe Pneumonia), badanaa waxay soo martaa sida afka iyo sanka oo lagu dareemi karaa guux ay la socoto neefta sababta oo ah neefku waxa uu aad u dareemayaa xabad iyo shafka oo xanuuna.
Neefka u dhinta xanuunkan Oof-wareenka ahi waxa uu sambabkiisu noqdaa madow midibkiisa, waxa kale oo lagu arki karaa dareere, bakhtigiisuna aad ayuu u culus yahay. Hadii laga soo jaro cad yar sambabkiisa  oo lagu rido in yar oo biyo ah wuu dhex quusayaa (sinks) halka taa badalkeeda neefka aan qabin uu biyaha dul sabeeyo (floats).
daawaynta Cudurka Oof-wareenka
 
R/ Cidortryl vial 10% Iml/40kg laga siinayo muruqa ama haraga hoostiisa (IM ama Sc). Mudo u dhaxaysa 3-5 maalmood.
Borgal 24% 3mll/kg. oo laga siinayo xididka ama muruqa (IV ama Im ). mudo u dhaxaysa 3-5 maalmood.
Bisilvon 24% 1amp/70kg BWT oo laga siiyo muruqa(IM).
 
 
FG. Anti-biotic gu way joojisaa caabuqa ama infakshanka keena bekeeriyada, sidoo kale marka Cudurka Oof-wareenka xooluhu keenaan Virus ama parasite waxba ka tarimayso ama suulin karto daawada Anti-biotic ga ah.
4  Cudurka khuurada xoolaha (Snoring Disease)
 
Cudurka khuurada xoolaha waxa uu ku dhacaa oo kaliya Lo’da, Lo-gesida  iyo faradaha ku nool wadanka Hindiya waxaaana sababa Blood flukes ka yaqaan SCHISTOS0MA.
Calaamadaha Cudurka khuurada Xoolaha
Xooluhu waxay sameeyaan buuq badan ama qaylo badan, waxaa sidoo kale ku adkaata neefsashada iyadoo sankana ay ka yimaadaan dheecaan midabkiisu yalow yahay ama cadaan.
Side xoolaha ku qaadaan Cudurka khuurada
Xoolahu waxa ay ka soo qaadaan Blood flukes oo ku dhex jira Biyaha oo neefka ka soo raaca xiliyada la waraab geeyo. Meelaha cudurkani ku badan yahay waa meelaha biyahu ku badan yihiin.
Daawaynta Cudurka khuurada Xoolaha
Xoolaha cudurkani asiibo waxa la siiyaa dawooyinka Metrifornate, Trichlorphon  iyo Praziquant oo ah daawooyin dad iyo Xoolaha lagu daweeyo. Dadka waxaa laga daweeyaa xanununka Bilharzia.
 
 
 
 
 

Leave a Reply