Dilma Rousef oo Noqotay Madaxweynaha Baraazil

0
443

Taageerayaasha madaxweynaha Brazil, Dilma Rousseff, ayaa dabaaldagayay habeen hore oo dhan kadib markii ay ku guulaysatay markii labaad madaxweynenimada. Laakiin saddex boqolkiiba oo kaliya ayay ka badnayd ninkii la tartamayay Aecio Neves. Qudbadeedii markii ay guulaysatay, waxay qirtay in loo baahan yahay heshiis qaran.
Waxay la kulantay banaanbaxyo badan, sanadkii hore oo looga soo horjeeday musuqmaasuqa, lacag badan oo lagu qarashgareeyay Koobka Adduunka, iyo adeegyada dowladda sida waxbarashada iyo caafimaadka oo aan fiicnayn.
Laakiin wariyaha BBC ayaa sheegaya, in codbixiyayaasha ay doorteen in la sii wado habka dowladda oo malaayiiin qof ka saaray saboolnimada.

Leave a Reply