Turkiga Oo Cadeeyay Mawqifkiisa Suuriya

0
420

Ra’iisalwasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa sheegay inuu la yaabay eedeymaha reer galbeedka eeku wajahan qaabka uu Turkiga ula dagaalamayo kooxda Khilaafada Islaamka ee dalka Suuriya.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da ayaa ra’iisalwasaare Ahmet Davutoglu waxa uu sheegay in ay khalad tahay in Turkiga laga sugo in uu ciidamo u diro gudaha Suuriya si ay ula dagaalamaan kooxda Daacish ee dooneysa in ay qabsato magaalada Kobane ee woqooyiga dalka Suuriya, haddii dowladaha reer Galbeedka aanay diyaar u ahayn in ay sidaasi si la mid ah sameeyaan.
Ra’iisal wasaarahu Wuxu intaasi ku daray in dalkiisa uu faraha la galayo hawlgal milatari oo ka dhan ah Daacish haddii Mareykanka iyo xulufadiisa ay sidoo kale dagaalkooda ku wajahaan ciidamada dowladda madaxweyne Asad ee dalkaasi Suuriya.
Turkiga ayaa u ogolaanaya ku dhawaad 200 oo dagaalyahanno Kurdish ah in ay Ciraaq ka soo tallaabaan oo ay Turkiga sii maraan si ay ugu gudbaan dhanka Suuriya.

Leave a Reply