Haweenka Uurka Leh Oo Looga Digay Inay Cunaan Nooc Ka Mid Ah Kalluunka

0
458

War dhawaan ay soo saareen khubaro caafimaad ayaa uga digaya haweenka uurka leh in ay cunaan kalluunka nooca loo yaqaano Tunna.
Kalluunka Tuna ayaa waxaa uu ka mid yahay cunnada badda midkooda loogu jecel yahay, balse xogtan cusub oo la shaaciyay ayaa lagaga digay in dumarka uurka leh aanayy cunin Kalluunka noociisa Tunaha.
“Waxaa jira noocyo badan oo kalluunka ka mid ah, haweenka uurka leh waxaa loo baahan yahay inay hubiyaan in ay cunaan mid caafimaadkooda wax u taraya. Kalluunka Tunna maaha mid caafimaad ahaan u haboon in ay cunaan inta ay uur kujirta ku sidaan ilmaha.” ayuu yidhi mid ka mid ah khubarada soo saartay cilimi-baadhistaas.
Sannadkii hore ayay ahayd markii ay kooxaha dawada, deegaanka iyo cunnadu ay soo saareen habraacyo tilmaamaya in haweenka uurka leh ay ka dheeraadaan cunnada ay ku yar tahay mercury-gu, hilibka Tunnuhu waxa uu ka mid ahaa kuwii lagu xusay in ay yihiin cunnada badda ee mercury-gu ku badan yahay.
Hase yeeshee, warkaasi waxaa qaadacay khubaro caafimaad oo muddo cilmibaadhis waday, kuwaasoo gabi ahaanba cunista kalluunta Tunna uga digay hablaha uurka leh
Si kastaba ha ahaatee, kooxaha kaluunka ka ganacsada ayaa sheegay in Hilibka Tunnaha uu yahay mid laga helo Protein badan, kaasoo awood u yeelaya haweenayda iyo ilmaha uurka ku jiraba.
Digniintan ayaa noqonaysaa tii ugu dambaysay ee loo jeediyo haweenka uurka leh. Sida ay sheegeena khubarada caafimaad, cilmibaadhistani dhawaan ayaa si rasmi ah loo baahin doonaa.

Leave a Reply