Wasiirka Biyaha Oo Socdaal Ku Tagay Laascaanood Oo Laga Furayo Mashruuc La xidhiidha Horumarinta Biyaha

0
393

Wasiirka Wasaaradda Biyaha  Somaliland Xuseen Axmed Cabdule ayaa shalay socdaal shaqo ku tagay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaanu xadhiga ka jari doonaa mashruuc dhinaca biyaha ah oo laga hirgeliyay magaaladaasi.
Wasiirka Biyaha waxa  duleedka  magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka  Sool Maxamed Faarax Aadan, taliyaha qaybta booliska gobolka Sool, isu duweyaasha wasaaradaha ee gobolkaas iyo dadweyne aad u tiro badan.
Wasiirka oo ka hadlay ujeedada socdaalkaasi ayaa sheegay in uu xadhiga ka jari doono mashaariico laga hirgeliyay magaalada Laascaanood maanta oo Arbaca ah mashaariicdaasi  oo kor loogu qaadayo horumarinta biyaha.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa farxad ii ah in aan socdaal ku imaado magaalada Laascaanood barrina (maanta)  si rasmiya ayaan xadhiga uga jari doonaa mashruuc  biyaha  oo aanu muddo ka fulinaynay Magaaladda Laascaanood.”
Guddoomiyaha gobolka Sool Maxamed Faarax Aadan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inuu uga mahadnaqayo wasiirka biyaha socdaalkan uu ku yimid gobolka Sool.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply