Ingriiska: Indhoole Si Ukas Ah, Tareen loo jiidhsiinayo

0
431

Dhacdadan ayaa ka mid ah shilalka ugu naxdinta badan ee ka dhaca dalka Ingriiska. Nin dhalinyaro ah oo qayru masuul ah ayaa xarun laga raaco tareenada nin Indhoole ah oo sugayay tareenka ku riixiya wadadiisa si uu u jiidho.
Indhoolaha ayaa isku deyay inuu iska difaaco si aanu tareenku u jiidhin, hasae yeeshee wiilkan akhlaaqda ayaa garaacis ku bilaabay una jiidiyay dhinac wadada xadiidka ah.
Sida ay daabeceen saxaafadda Ingriiska wiilkan aan damiirka lahyn oo lagu magcaabo DanielWebster da’diisunt tahay 23 jir ayaa si u kas isugu deyay inuu u dilo ninkan indhala oo 31 sano jir. Nin ay walaalo yihiin ninka indhaha aya usoo gurmaday walaakii markii uu arkay garaaca ku socda iyo inuu ninkani rabo inuu Tareenka u dhigo. Hasa yeeshee waxa Walalakiina dagaal ku bilbaay nin kale oo la socday wiilka aan damiirka lahayn. Waxase u suurtagashay indhoolihii iyo walaalkii inay ka badabdaan shilkaasi. Booliika ayaa xidhay labadii nine ee dhalinyarada ahaa. Maxkamada ayaa markii danbe ku xukuntay 22 bilood oo keliya , ninkii isku deyay inuu Tareenka u dhigo indhoolaha, halka saaxiibkiina lagu xukumay 9 bilood oo qudha. Dhacdadan aan naxariist lahayn ayaan lagu xukumin ciqaab culus.
 

Leave a Reply