Xisbiga WADDANI Oo Bilaabay Inay Weeraraan, Somaliland-na Ka Sheegtaan Mudaneyaasha Sool Iyo Sanaag Bari

0
445

Hargeysa (DAWAN)-Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay inaanay jirin wax farro-gelin ah oo ay ku hayso Golaha Wakiiladda, waxaanay u soo jeedisay inay dib isula noqdaan xeer hoosaadkooda oo ay dhamaystaan wixii khilaaf ah ee Golahooda ka dhex oogan.
Waxa kale oo ay xukuumaddu sheegtay inaanay jirin wax baahi ah oo ay u qabto muddo kordhin isla markaana madaxweyne Siilaanyo ay yar tahay in murrashax la mustawe ah laga helo axsaabta la tartamaysa xisbul-xaakimka KULMIYE,Sidaasna waxa shaaca ka qaaday Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland  Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo shalay u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta dalka.
Wasiirku waxa uu  u soo jeediyay xildhibaanadda aqlabiyadda ah inaanay ku itaalsan xildhibaanadda tirada yar, waxaanu yidhi “Golaha Guurtidda iyo Golaha Wakiiladda  waxay u shaqaynayeen si  wacan, Golaha Xukuumadd-na waxa uu u shaqaynaynaa si wacan waxay talladeeddu noqon-doontaa sidii aynu wax ku dhamaysan-jirnay . Golaha Wakiiladd-na waxaan ugu yeedhayaa sidii aad u shaqayn-jirteen  iyo Aqlabiyaddii aad isku Ixtiraami-jirteen iyo  Sidii aad isku Ixtiraami-jirteen isku Ixtiraama oo kuwii-na tirada badan  xoog ha sheegani-na, kuwii-na laga badan yahayna  Gal-galashadda iska daaya.”
Wasiir Cabdilaahi Cukuse, waxa uu sheegay inaanu xukuumadda ALLE badin muddo kordhin, isagoo ku dooday in Madaxweyne Siilaanyo ay yar tahay-ba cida isla sharixi kartaa, waxa uu yidhi “Muddo Kordhin ILAAHAY Nama badani, Musharaxayagu waa Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siillaanyo, Saxaafadaa-na Markhaati iga ah Musharax isla Sharixi-karaa Maanta inuu yar yahay-ba . Cabdiraxmaan Cirro waa Nin Mucaarid ah waa Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, wixii Hoggaamiye Xisbi Mucaarid ahi ku hadli-jiray ayuu ku hadlay, laakiin idinku waxaad moodaysaan in  Guddoomiyihii Golaha Wakiiladdu idinla hadlayo , markaaa isaga oo Guddoomiyihii Golaha Wakiiladda ah wuu garanayaa Golihiisa in cid   Xukuumadda  ah oo faro-gelisaa aanay  jirin, wixii Mucaarid  odhan-jiray ayuu odhanayaa,  Xaqaana wuu  leeyahay.”
“ Laakiin annagu waxaanu leenahay Cabdiraxmaan Guddoomiyaha  Xisbiga  WADDANI adiga oo ah markan  waxaad tahay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dalka , waxaanu ugu jecel nahay oo aanu ugu jecel nahay oo aanu idinku yeedhaynaa Golaha Wakiiladda waar fadhiista oo sidii aad isku maali-jirteen , Xeer-hoosaaddkiinii Ixtiraama  Annaguna baahi weyn waxaanu u qabnaa  inay Doorashaddii dhacdo, waxaanu baahi weyn u qabnaa  in Miisaaniyaddii qaranka Ansixisaan waa mid idin-taalla , taas oo wax badan oo Noloshii qaranka ahi ku xidhan-tahay,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Md. Cabdilaahi Cukuse  waxa kale oo uu sheegay inaanay jirin wax faro-gelin ah oo xukuumaddu ku hayso Golaha Wakiiladda, waxaanu yidhi “Ma Jirto wax faro-gelin ah oo ay  Xukuumaddu  Golaha Wakiiladda ku hayso waxay haysaa dhamaymahoodda, waanay dawaynaysaa,   Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waa Hogaamiyayaasha qaranka  ma jirto wax faro-gelin ah oo aanu ku haynaa Golaha Wakiiladda, Guddoomiye ku xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE  waa Madaxweyne ku xigeenka, markaa  Xisbiga  WADDANI haddii uu Xisbiga KULMIYE eedeeyo yaanu Xukuumadda ku gal-galan. Axsaabta oo dhan waxaanu ugu yeedhaynaa Dimuquraadiyadda ilaaliya Golaha Wakiiladda-na waxaanu leenanay Dimuquraadiyadii-na ilaaliya  Aqlabiyadana Ixtiraama.”
Geesta kalena waxa uu Wasiir Cukuse Muwaadiniinta reer Somaliland ugu baaqay inay qaataan kaadhka jinsiyadda oo ah sumadda ay kaga duwanaanayaan quruumaha kale, waxaanu yidhi “Baaqa aan u dirayaa waxa weeyaan Diiwaan-gelinta Madaniga waxa weeyaan in Qofka Muwaadinka ahi is Diiwaan-geliyo waa Baadi-soocdeenii (Sumad) weeyaan waa Astaantii aynu kaga duwanaanaynay  Dadka kale  waa Tii gaarka u kuu ahayd (Muwaadinimada) oo caddaynaysa inaad yeelato Dal aad leedahay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply