Nayjeeriya oo wadahadal la wada Boko Haram

0
432

Afhayeenka madaxtooyada Nigeria ayaa sheegay wadahadalada ay la lahaayeen Boko Haram ay socdaan
Labo todobaad ka hor, ayey dowladda sheegtay in lagu heshiiyay xabad joojin, balse ma jirin wax war ah oo ka soo baxay Boko Haram iyadoo weerarada waqooyiga Nigeria ay socdaan. In badan oo reer Nigeria ah ma rumeysna sheegashada dowladda.
Labo gabdhood oo Chibok ay ku afduubteen kooxda mayalka adag labo todobaad ka hor ayaa haatan xor ah, inkastoo aan la cadayn sida lagu soo daayay.
Dhinaca kale Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Right Watch ayaa ku eedeysay xukuumada Nigeria in ay ka baaqsatay in si qota dheer ay u baadho afduubka gabdhaha ka badan 200.
Human Right Watch waxay sheegtay in booliska Nigeria aanay aad u daneyn maclumaadkii ay bixiyeen gabdhihii ka soo baxsaday Boko Haram ee qeybta ka ahaa gabdhihii la afduubay bishii April ee sanadkan.
Waxay sheegaysaa hay’addu in ay la hadashay qaar ka mid ah gabdhaha soo baxsaday, kuwaas oo si qota dheer uga waramay dhibaatooyinkii ay la kulmeen.
Human Right Watch, warbixinteeda waxay ku sheegtay in la rumaysanyahay in in ka badan 500 oo dumar ah ay qafaalatay kooxda Boko Haram tan iyo 2009-kii.
Qaar ka mid ah dumarkan ayaa hay’addu waxa ay sheegaysaa in ay dib ugu soo laabteen bulshooyinkooda iyagoo uur leh, arrintaas oo ku keentay bay leedahay dhibaato dhinaca maskaxda ah.
Dowladda Nigeria ayaa dhowaan shaacisay in ay heshiis xabad joojin ah la gashay Boko Haram, isla markaasna uu jiro qorsho ah in la soo daayo gabdhaha oo afduub ku maqan mudo ka badan lix bilood.

Leave a Reply