Bannaanbax Ballaadhan oo ka dhan ah Madaxweynaha Burkina Faso

0
421

Tobanaan kun oo qof ayaa ku mudaaharaadaya caasimadda dalka Burkina Faso ee Ouagadougou, waxa ayna ka soo horjeedaan in isbadal lagu sameeyo dastuurka si madaxweynaha dalkaasi loogu ogolaado in uu xilka sii haya shan sano oo kale, isaga oo muddo 27 sano  ahayd soo ahaa madaxweyne.
Ciidamada ammaanka ayaa u adeegsaday dibadbaxayaasha sunta dadka ka ilmeysiisa iyagoo socod ku marayay baarlamaanka.
Madaxweynaha dalkaasi Blaise Compaoré ayaa xilka la wareegay sannadii 1987-dii.
Isagoo dhawaan wareysi siiyay BBC-da, ayuu u sheegay in uu mowqifkaasi qaatay isagoo ku howlgalaya danaha qaranka Burkina Faso.
 
Iskuuladii, jaamacadihii iyo meheradihii ayaa la xidhay iyada oo loo qorsheeyay mudaharaadka muddo toddobaad ah.
Mudaharaadkan ayaa ah kii ugu weynaa ee lagu codsanayo inuu madaxweyne Blaise Compaore isaga tago xilka marka la gaadho doorashooyinka sannadka soo socda.
 

Leave a Reply