Shan faa’iido Oo Ku Jira Kalluunka

0
423

Faa’iidooyinka Kaluunka maxaad ka taqaanay? Maxaadse aaminsaneyd mar walba oo aad cunaysid kalluunka?
1. Kalluunku wuxuu qani ku yahay maadada omega-3, maadadan waxay aad muhiim ugu tahay shaqada maskaxda si guud ahaaneed, maadadan jidhku sooma saaro, sidaa darteed waxaa waajib ah in laga helo cunada gaar ahaan kalluunka.
2. Kalluunka wuxuu leeyahay dufan aan badneyn, gaar ahaan cholesterol-ka nooca xun kuma badna, sidaa darteed wuxuu u wanaagsanyahay dadka dagaalka kula jira cayilka, wuxuuna u wanaagsanyahay wadnaha iyo xididada.
3. Wuxuu qani ku yahay proteins badan, wuxuuna u wanaagsan yahay shaqada jirka guud ahaaneed iyo dhismaha murqaha iyo hagaajinta shaqadooda.
4. Wuxuu qani ku yahay vitamino badan gaar ahaan D iyo A, waxaana sidoo kale laga helaa macaadin muhiim u ah shaqada jidhka.
5. Wuxuu ka hortag u yahay cudurada qaar, wuxuuna dawo uyahay xanuunada kala-goysyada iyo kuwa kale.
Faa’iidooyinkaa iyo kuwa kaleba waxay nagu dhiiragalinayaan cunida kalluunka ugu yaraan todobaadkiiba hal mar.
 
 
 

Leave a Reply