Waran-cadde Oo Amar Ku Bixiyay In La Xidho Qofkii Lagu Qabto Isagoo Mindi Sita Shaaricyadda Magaalooyinka

0
360

Hargaysa (Dawan): Wasiirka Daakhiliga Cali Waran Cadde, ayaa markii u horaysay  sheegay in cidii lagu arko iyadoo suuqa dhexdiisa ku sidata mindiyaha ama soo dhadhka in sharciga la horgayn doono, isla markaana xadhig dheer lagu xukumi doono.
Waxaanu tilmaamay in tallaabadani ay ka dambaysay heshiis ay arrintaasi mindiyaha si wada jir ah u gaadheen wasaaradda daakhiliga iyo maxkamadaha dalku, iyadoo qofkii lagu qabto Mindi ama Soodh lagu xukumi doono sida uu dhigayo xeerku.
“Marka maanta (shalay) laga bilaabo wixii ka dambeeya qofka Mindi lagu arko ee aanay hudheel ama guri oolin, ama aan  hilib ku cunaynin  ninka lagu arko isagoo suuqa dhex sita waxaa la xidhi doonaa bilo badan, waananu ka heshiinay  arrintaasi maxkamaddaha sida uu xeerku tilmaamayo ayaana lagu xukumi doona, waxaanan leeyahay qof hilib ku cunaya mooyee qof kale oo dibadda la maraya lama arki karo” ayuu yidhi Wasiirku.
Cali Maxamed Waran Cadde,  oo hadal ka jeediyay munaasibad uu   shalay xadhiga kaga  jaray saldhig cusub oo laga hirgeliyay  Degmadda Macallin Haaruun oo ka tirsan  Caasimadda Hargaysa. Waxa uu tilmaamay wasiirku in dadka shacabka ah la baadhi doono marka ay baabuurta fuulaan, iyadoo ciidamo ka tirsan CID ay la raaci doonaan baabuurta.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Waxaa la baadhi doonaa dadku marka ay basaska fuulaan, ciidamadda CID-da ayaa  raaci doona basaska, marka ay ka degayaan ayaa la baadhi doonaa, ninka reer miyiga ahi gurigiisa ha kaga yimaado, marka uu magaaladda soo galana meel baydhsan ha dhigto”.
Wasiirka arrimaha gudaha waxa uu  sheegay in saldhigan laga hirgeliyay degmadda Macalin Haaruun uu yahay mid ku haboon in laga dhiso isla markaana uu soo kordhin doono  wax ka qabashadda xagga amaanka iyo sidii ay u cidhib tiri lahaayeen dhalinyaradda shuftada ah ee caadaystay in ay bulshadda dhibaateeyaan, kuwaasi oo uu sheegay inay mutaysan doonaan ciqaab adag.
Xafladaasi xadhiga lagaga jarayay saldhigaasi cusub ayaa waxaa ka soo qaybgalay   taliyaha ciidaamadda booliska sareeyo guuto C/laahi Fadal Iimaan, maayarka caasimaada C/raxmaan Maxamuud Caydiid (C/raxmaan Soltelco), badhasaabka gobolka Maroodijeex, guddoomiyaha degmadda Macalin Haaruun, odayaal, waxgarad, salaadiin,  gudiyada nabadgelyadda ee degmadaasi iyo  qaybaha kala duwan ee bulshada.
Maayarka caasimadda Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ka dawlad hoose ahaan dhinacooda u balan qaaday ciidamda booliska u idyaariyeen dhulka danta guud ah ee loogu tallogalay in laga hirgeliyo saldhigyadda booliska.Waxaanu yidhi “Taliyaha booliska waxaan  leeyahay dhulkii saldhigyo kale laga dhisi lahaana waa kuu diyaar imika degmo kasta iyo xaafad kasta oo aad Hargeysa uga baahato waanu diyaarinay si amniga loo ilaaliyo”.
Dhinaca kale taliyaha ciidamadda Booliiska sareeye guuto C/laahi Fadal Iimaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in saldhigani uu yahay mid qaab casri ah loo dhisayo, waxaanu tilmaamay in ciidamada booliska ee saldhigaasi ka hawlgeli doonaa ay yihiin kuwo soo qaatay tababar dheeraad ah oo la xidhiidha dib u habaynta ciidamadda booliska ee Somaliland.
“Ciidanka saldhigan ku soo qoran ee la keenay haddii ay tahay taliyaha saldhiga, iyo askarta kaleba waxay ka mid yihiin kuwo soo qaatay tababarka dib u habaynta ciidanka booliska, taasi oo ay siyaasadda qaranka Somaliland ee wasaaradda arrimaha guduh nagu hogaaminayso ay tahay in ay boolisku tayadooda xagga aqoonta iyo xagga dhismaha dhinac kastaba ka noqdaan kuwo ka dhisan” ayuu yidhi taliye Fadal.
Sidoo kale waxa iyagna halkaasi ka hadlay badhasaabka gobolka Maroodi Jeex, salaadiin, cuqaal, gudiyada nabadgelyadda ee degmadaasi, waxaanay dhamaantoodba soo dhaweeyeen saldhiga laga hirgeliyay degmada Macalin Haaruun oo ay sheegeen inuu wax weyn ka tari doono amaanka.
By: Khadar cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply