Shiinaha oo musuqmaasuqa la dagaalamaya

0
448

Xeer ilaaliye sare oo Shiinaha ah ayaa ku dhawaaqay dadka soo bandhiga musuqmaasuq rasmi ah ay heli doonaan sharci ka ilaaliya in laga aarguto.
Sanadkii hore kuwa la dagaalama musuqa ee xisbiga shuuciyadda, waxa ay u sameeyeen bog internetka ah kuwa ka shifa, kaas oo loogu talogalay in dadka ay ku luglahaadaan si wax looga qabto arrintan, balse wariyayaasha ayaa sheegaya dadka sheega qaladka madaxda in mararka qaar ay wajahaan wajigabax ama in la waxyeeleeyo.
Hogaamiyaha Shiinaha — Xi Jinping — ayaa ka digay in dhibaatada wax is dabamareynta ay aad u daran tahay taas oo khatar ku ah jiritaanka xisbiga shuuciyada ee talada haya.

Leave a Reply