Gar-diidnimadda Guddoomiye Cirro Oo Baajisay Kal-fadhigii Aan Caadiga Ahayn Ee Golaha Wakiiladda

0
434

Guddoomiyaha Wakiiladda Oo  Dhadhamiyay Qadhaadhka Xildhibaanadda, Markii uu Dhegaha Ka Furaystay Baaqii 54 Mudane Iyo Ergo ka soo Jeeday Beeshiisa

Weji-gabaxii shalay Koox Xildhibaanno ah Kaga Dhacay Hoolkii Loo Cidleeyay

Hargeysa (Dawan)-Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa shalay  kashifay oo hoolka shirarkana   u cidleeyay Guddoomiyaha  aqalkaasi Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay sheegeen inuu lumiyay kalsoonidii Xildhibaannadda markii uu si shakhsi ah ugu xad-gudbiyay xeerkii diiwaan gelinta muwaadinka iyo codbixiyeyaasha ee ay dhawaan ansixiyeen, ka dib markii uu Guddoomiye wax ka bedal ku sii sameeyay go’aankii goluhu ku meel mariyay xeerkaas. Taasina ay sababtay In Guurtiddu dib u soo celisay markii ay ku jawo-wareereen khaladaadka xeerkaasi ku jiray.

Kal-fadhigii aan caadiga ahayn ee shalay loo balansanaa ayaa u baaqday kooram la’aan ka dib markii ay hoolka shirarka ka soo xaadireen tobaneeye xildhibaan oo kaliya, iyadoo ay fadhigan ka soo xaadiri waayeen mudaneyaasha aqlbiyadda ah iyo labada Guddoomiye Ku xigeen oo marka la isku darro noqonaya 54 Mudane.

Tallaabadaasi waxay ahayd Fadeexad weyn oo Guddoomiyaha Wakiiladdu uu kala kulmay xildhibaanadda aqalkaas oo xiligan si ficil ah ugu bandhigay inay ku ciqaabayaan gobood-falkii uu ku sameeyay xeerkii diiwaan-gelinta..

Asbabaabaha dhaliyay  baaqashadda fadhigii aan caadiga ahayn

 

Kal-fadhigan aan caadiga ahayn ayaa baaqday markii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane C/.Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) dhegaha ka furaystay qoraal ay u gudbiyeen xildhibaannadda aqlabiyadda ahi, kuwaasi oo ku booriyay in la hakiyo fadhiga illaa inta Goluhu wax iska weydiinayo asbaabihii Guddoomiyaha ku kalifay inuu dhalan-gediyo go’aankii ay ku ansixiyeen xeerkii diiwaan-gelinta.

Qoraalkaas oo ay ku saxeexnaayeen in ka badan 54-xildhibaan ayaa waxa uu u dhignaa sidan :- Annagoo isla qirnay xeerka WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007
UJEEDDO:  SHIRKA AAN CAADIGA AHAYN EE GUDDOOMIYUHU KU BAAQAY SABTIDA  25 OKTOOBAR, 2014

 Guddoomiye,

Annagoo ah xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL ee magacyadoodu hoos ku saxeexanyihiin

Annagoo tixraacayna go’aankii Golaha Wakiilada JSL ee fadhigii qabsoomay maalintii ay taariikhdu ahayd 30ka September, 2014 halkaasoo 64 Mudane cod gacan taag ah ku oggolaadeen laguna ansixiyey Xeerkii Xukuumaddu soo gudbisey ee WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007  oo lagu lifaaqay qoraalada kala ah:

A) Qoraalkii heshiiska ahaa ee Madaxweynuhu golaha u soo gudbiyey,

B)  Talabixintii Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada, iyo

B)  lifaaq go’aamo ah oo Goluhu isla qaatay

Annagoo isla qirnay xad-gudub lagu sameeyey go’aankaas kor ku tilmaaman ee WAX-KA- IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007 iyadoo markii xeerka loo gudbinayey Golaha Guurtida tirtiris, wax ka beddel iyo wax ku daris aan goluhu isla oggolaan lagu sameeyey.

Annagoo isla qirnay xeerka WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007 inuu muhiim u yahay hawlaha dimoqraadiyadda iyo muwaadinimada.

Annagoo tixrgelineyna ku dhaqanka Dastuurka JSL iyo Xeer hoosaadka Golaha oo labaduba tilmaamaya in Golaha Wakiiladu u gudbin karo Golayaasha Guurtida iyo Xukuumadda wixii goluhu go’aansaday.

Haddaba, asbaabaha aan soo sheegnay dartood waxaanu soo jeedineynaa in la hakiyo shirka aan caadiga ahayn ee Guddoomiyuhu ku baaqay 25ka Oktoobar, 2014 ilaa inta laga saxayo WAX-KA-BEDDELKA IYO KAABISTA XEERKA DIIWAANGELINTA MUWADINNIMADA IYO CODBIXYEYAASHA XEER LR. 37/2007.”

Shucuurtii Guddoomiye Cirro ee Shalay

 

Guddoomiye C/Raxmaan Cirro ayaa hoolka ku kaliyaystay, iyadoo wajigiisa iyo shucuurtiisu madoobayd, waxa uu kadbaday oo uu shalay dhadhamiyay  sida uu uga faro madhan yahay xildhibaanadii aqalkaasi, waxaana hor fadhiyay oo kaliya tobaneeye Xildhibaan oo ah xubnaha xisbigiisa kaga jira Golahaasi iyo dhawr xildhibaan oo ay xulafo la ah xisbigiisa WADDANI. Waxay ahayd shalay mid ka mid ah maalmaha madow ee Guddoomiye Cirro soo maray nolashiisa.

 “Maadaama oo uu kooramkii buuxsami waayay kal-fadhigii aan caadiga ahayn waan xidhayaa Goluhuna waxa uu geli doonaa fasixiisii caadiga ahaa, waxaanu Goluhu dib u soo noqon doonaa 8-da bisha 11-aad,”ayuu ku tiraabay Guddoomiyaha Wakiiladda oo hadal kooban u jeediyay tobaneeye Xildhibaan oo soo ka soo xaadiray hoolka shirarka.

“Waxay ila tahay Dastuurkeenu si cad buu u qeexayaa inaanay is farogalin karin Sharci-dejinta, Fulinta iyo Caddaaladdu, markaa Golahan farogelinta xukuumaduhu kuma cusba, tii horena way soo farogalisay, tana waydinkaa arkaya farogalinteeda, laakiin mudanayaasha ayuun buu xilku saaranyahay, waxaanan u soo jeedin lahaa in golaha sharaftiisa iyo karaamadiisa ilaalino, waajibka dadku inoo doortayna fulino.”

“In doorashada ay dib u dhigayso arrintani waa marag ma doon, in badan baanu lahayn doorashada dib loo dhigayaa oo caqabado badan baa jira, markaa waa in shacbigu indhahooda furan, in tana ka mid tahay caqabadihii dib loogu dhigayey doorashada iyo diiwaangalinta, waayo hay’adda Komishanku waa hay’addii ka masuulka ahayd doorashada, markaa haddii aynu iyadii diidno doorasho ma dhacaysaa bal idinkaan idin waydiiyaye?” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Dooda Xildhibaanadda Muxaafidka ah

Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cigge (Balaaki) ayaa waxa uu ku hadlayay  magaca Mudaneyaasha aqlabiyadda ah, ayaa sabobeeyay waxa sababay inay Golaha u faaruqiyaan Guddoomiye Cirro,waxaanu yidhi  “Gudoomiyaha waxa loo geeyay qoraal loogu sheegayo in golaha la turxaan saaro oo laga wada tashadaa si khaladaadkii hore ee xeerkii loo gudbiyay golaha guurtida wixii ka dhacay loo saxo.  Xeerkii ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiiladu waxa uu ka koobnaa afar nuqul oo kala ah kii xukuumaddu soo gudbisay, kii madaxweynuhu ku soo lifaaqay, kii guddidii loo xil-saaray ay ku soo lifaaqeen iyo go’aankii golaha afartaas ayuu ka koobnaa. Markaa xeerkaas uu goluhu u codeeyay ayuu Guddoomiyuhu  wax ka bedalay.”

Xildhibaankuw waxa uu sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin wada hadal balse gudoomiyuhu aanu isagu ogolayn, isagoo arrintaas ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Annagu diyaar baanu u nahay in la wada hadlo laakiin gudoomiyuhu waxa uu ka warwareegayaa in cidii khaladka lihi ay  khaladkeeda qaadato.”

Fadhigan baaqday ayaa lagu waday in lagu ansixiyo xubnaha Komishanka doorashooyinka, warbixinta odoroska miisaaniyad sannadeedka qaranka.

Geesta kalena waxa la sheegay in Sabtidii shalay ay xubno ka mid ah madax-dhaqameedka beesha Guddoomiye Cirro ay  u soo jeediyeen inuu raali-gelin ka  bixiyo xeerkii uu wax ka bedalay ee aanay Goluhu waxba ka ogayn, waxaana illo looga qaateen ahi ay sheegeen in  Guddoomiyaha Wakiiladdu uu aqbalay talladaasi ay u soo jeediyeen madax-dhaqameedkaasi , hase yeeshee uu talladoodii  ka dhigay hal bacaad lagu lisay markii ay   la shireen dhawr xildhibaan oo ka tirsan xisbigiisa oo ku booriyay inaanu bedelin mawqifkii uu ka taagnaa xeerkaas muranku ka taagan yahay. Arrintaasina ay dhaxal siisay in Mudaneyaasha Goluhu ku baraarugaan khiyaamadda iyo laba wajiilaynta uu Golaha ku afduubayo.

Leave a Reply