Nin Xabaalaha Maydka kala soo baxa oo La qabtay

0
379

Wargeyska Dail Mail ayaa war aad uu naxdin badan oo aanu rumaysan Karin aadamiga caadiga ahi ka soo tebiyay dalka Ruushka. Wargeyska ayaa soo bandhigay sawiro ay koox booliis baadhayaal ahi ka soo qaadeen guriga nin taariikhyahan ah oo Rush, kaasi oo maydka hablaha yaryar ee dhinta dib ugala soo baxa xabaalaha. Kuwaasi oo uu gurigiisa ku qurxiyo hadhaaga lafahooda , isagoo weliba u bixiya magacyo.
Baadhayaasha ayaa ka soo saaray 150 hadhaa mayd guriga ninkan taariikh yahanka ah oo lagu magacaabo AnatoliyMoskvin da’diisuna tahay 46 sano, oo degan magaalada NizhnyNovgorod ee Ruushka.
Ninkan ayaa xabaalaha kala soo baxay hablaha ay da’doodu u dhaxayso 3-12 sano. Booliiska ayaa helay boqolaal gobol dhar googa’ay ah oo kala duwan iyo hadhaaga maydka kuwaasi oo uu kusoo bandhigi jiray xaflado riwaayado ah oo uu ku qabto gurigiisa.
Hooyada dhashay Anatoliy ayaa arintan cabsida leh kashiftay markii ay booqatay xagaagi gurigiisa uu degan yahay. Booliiska ayaa xidhay ninkan iyagoo sheegay in aan la sii dayn doonin ila maxkamadda la geeyo, waxaana la sheegay inuu yahay nin uu hayo xanuun nafsaani ah oo aan waxba dhaamin kawa waalan waalan.

Leave a Reply