Kobane: Magaalo loo Gurmaday

0
437

Taliye ka tirsan ciidamada xorta ee Suuriya ee mucaaradka ah ayaa BBC-da u sheegay in 200 oo dagaal yahaniintiisa ka mid ah inay ka qeybgaleen dagaalka ka socdo magaalada Kobane.
Colonel Cabdul-Jabbar al-Okacidi ayaa sheegay inuu tagay bartamaha magaalada, xoogaggiisana ay taageerayaan dadka la dagaalamaya mintidiinta Khilaafada Islaamka.
Waxa uu intaa ku daray in dagaal yahaniin kale oo ka mid ah ciidanka xorta Suuriya (FSA) ay sidoo kale dagaalka dib uga soo biiri doonaan.
Kol-hore, koox ka mid ah Kurdiyiinta Ciraaq ee Peshmerga ayaa gaadhay Turkiga iyagoo u sii gudbay magaalada Kobane. Ugu yaraan 80 ka mid ah Kurdiyiinta ayaa galay magaalada Kobane.
Kolonyo kale oo dagaal yahaniin ah oo ka soo safray dhulka sare ee Waqooyiga Ciraaq oo wata hubka daran dooriga u dhaca iyo madaafiic ayaa ku sii jeeda dalka Turkiga.
Waxa ay ka gudbi doonaan xuduudda Suuriya si ay ugu biiraan Kurdiyiinta dagaalka kula jira dowladda Islaamka.
 
 

Leave a Reply