Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo kulan deg deg ah leh

0
387

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xalay gelinkii dambe yeelanayay kulan deg deg ah oo ku saabsan qorshaha israaiil ay bariga Quddus uga dhiseyso deegaanno cusub oo ay leeyihiin dadka Yuhuudda ah.
Kal hore usbuucaan ayaa israaiil waxa ay ballan qaaday in ay halkaasi ka dhiseyso 1000 guri oo cusub, tallaabadaasi oo ay wada cambaareeyeen falastiyiniinta iyo sidoo kale midowga Yurub iyo maamulka madaxweyne Obama.
Kulankani deg degga ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku soo beegmaya xilli ra’yul caamka adduunka uu ka soo horjeedo Israaiil, gaar ahaanna siyaasaddeeda ku wajahan deegaanada ay ka dhiseyso dhulka falastiyiniinta.
Midowga Yurub ayaa sheegay in qorshahaasi bariga Quddus looga dhisaya deegaanada cususb ee Yuhuudda uu shaki gelinaya sida israaiil ay uga go’antahay xal ay wada gaadhaan Israaiil iyo falastiyiniinta.
Xitaa mareykanka oo ah xulufo aad ugu dhow israaiil ayaa sheegay in tallaabadaasi aysan la jaan qaadi karin dedaalada lagu raadinayo xal nabadeed.
Go’aanka Qaramada Midoobey ayaa ah mid iska cad, kaasi oo ku saleysan qawaaniinta caalamiga ah ee sharci darrada ka dhigaya deegaanada noocani ah.
Benjamin Netanyahu ayaa ku tilmaamay dhaliilaha loo soo jeedinaya kuwo ka fog xaqiiqada.
Uma muuqata in golaha ammaanka ee qaramada midoobey uu soo saari doono warbixin lagu cambaareynaya qorshahaasi israaiil.
Mareykanka oo leh awoodda Veto-ga ayaa looga bartay in uu garab siiyo israaiil oo ay aad xulufo u yihiin isla markaana uu ka difaaco qaraarada qaramada midoobey ee lidka ku ah israaiil.
 

Leave a Reply