Kalmadda Dawladda Ee Sanad Guurradii 6-aad Ee Qaraxyadii Hargeysa?

0
372

Hargeysa (DAWAN)- Xukuumadda  Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadashay sanad-guuradii 6-aad ee ka soo wareegtay qaraxyadii Argagixiso ee ka dhacay Magaaladda Hargeysa  29-kii October 2008-kii, xiligaasi oo saddex qarax oo  lagu bartilmaameedsaday Xarunta madaxtooyadda, xafiiska dawladda Itoobiya iyo xarunta Hay’adda UNDP.
Dawladda Somaliland waxay  sheegtay inay qaranka ay ka shaqeynayaan sidii ay uga feejignaan lahaayeen in dhacdo noocaasi ah oo kale  aanay dib uga dhicin dalka, sidaasna waxa sheegay Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul oo xalay u waramayay wargeyska DAWAN.
“Xukuumadda Somaliland waxay dhambaal tacsi ah u diraysaa qoysaskii eheladii ku dhintay qaraxyaddii argagixiso ee wadanka ka dhacay 29-kii October 2008-kii, qaraxyadaasi oo lagu qaaday xarunta madaxtooyadda, xafiiska safaaradda Itoobiya iyo xarunta Ha’yadda UNDP, waxa ku dhintay 23 qof, halka tiro intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen qaraxyadaasi. waxaan ILAAHAY uga baryaynaa dadkii ku dhintay qaraxyadaasi inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoysaskoodii iyo qaranka Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu.
Afhayeen Dhuxul waxa uu  sheegay in qaran ahaan Somaliland shicib iyo dawladba ay ka digtoon yihiin in dhacdadaas foosha xun oo kale wadanka ka dhacdo mar kale, waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidammadda ammaanka oo uu ku ammaanay siday heeganka ugu yihiin adkaynta nabad-gelyadda wadanka.Inkasta oo xukuumaddu ka hadashay dhacdadaasi oo shalay ku beegnayd, haddana may jirin wax xaflado ah oo maalintaasi madoobayd  lagu xusay.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply