Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaruntii Labaad Ee Lagu Baadhayo Xanuunka EBOLA Ka Furtay Wajaale

0
380

Wajaale (Dawan)- Wasiirka wasaradda caafimaadka  Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (xaglo-toosiye) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay socdaal ku tagay degmada Tog-wajaale ee gobolka Gabilaey, halkaasoo uu wasiirku ka furay xarumo caafimaad oo dadka soo galaya waddanka lagaga baadhi doono cudurka halista ah ee EBOLA.

Wasaaradda caafimaadka ayaa todobaadkan hore uga samaysay xarun caafimaad oo dadka dalka soo galaya lagaga baadhayo xanuunka EBOLA, madaarka magaalada Hargeysa ee Cigaal Airport, xaruntaas oo ahayd tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo laga hirgeliyo goobaha dalka laga soo galo si looga hortago xanuunka EBOLA.

Wasiirka wasaradda caafimaadka ee Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (xaglo-toosiye) ayaa ka hadlay muhiimadda ay leeyihiin xarumaha caafimaad ee laga heirgelinayo goobaha ay dadku kasoo galaan dalka, si looga baadho xanuunka EBOLA. “Waxaan halkan (Wajaale) u nimi dedaalka ay wado wasaaraddu ee lagaga hortagayo inaanu dalkeena soo galin cudurka EBOLA, oo faro ba’an ku haya waddamo badan oo caalamka ah. Wasaarad ahaan waxaa naga go’an inaanu dedaal dheeraad ah samayno. 53 meelood baa dalkeena laga soo gala meelaha ugu muhiinsan bay Wajaale ka mid tahay madaarka Cigaal ee Hargeysa ayaan u malaynayaa inuu ka horeeyo, waa meesha ugu badan marka madaarka Hargeysa laga reebo ee dalka laga soo galo meelaha kale oo dhan waanu gaynaynaa qalabka iyo shaqaalaha tabobaran, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu nagu guuleeyo oo cudurkaasi ina soogalin dhamaanteena waxa inala gudboon inaynu dedaalno oo qof kasta oo dalkeena soogalaya iska eegno, baadhno qofkii xanuunka qabana aynu dib iskaga celino kii kalena uu si wanaagsan u soo galo.” ayuu yidhi Wasiirka wasaradda caafimaadka ee Somaliland, waxaanu intaas ku daray “Waxaanu hadda diyaarinay qalabkii iyo shaqaale tabobaran oo la shaqeyn doona laanta socdaalka qofka soo galaya dalka halkii hore uu u aadi jirey laanta socdaalka imika wuxuu u imanayaa shaqaalaha caafimaadka marka ay xaqiijiyaan inuu caafimaad qabo ayuu u gudbayaa hawl wadeennada laanta socdaalka.”

By: Yoonis M.Jaamac

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply