“Siilaanyo Waa Hoggaamiye Dalkiisa Horumariyay Hantidii Ummaddana Ilaaliyay” Wasiir Samaalle

0
369

Hargeysa(DAWAN) Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaalle ayaa sheegay in aanay xukuumaddu ku mashquulaynin inay u jawaabto siyaasiyiinta mucaaridka ah ee caadaystay aflagaadeynta Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu axsaabta mucaaridka ah ugu baaqay inay bulshadda u soo bandhigaan wax u cuntama.
Wasiir Samaalle, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad  lagu qabtay xarunta akhriska ee  Maxamed Mooge ee magaaladda Hargeysa oo ay  ku soo bandhigeysay Akhris Wadareed lagu shaacinayay  buug laga qorey aabihii 2-aad ee waxbarashada Somaliland Alle ha u naxariistee Marxuum-Yuusuf Xaaji Aadan,   ayaa waxaa uu sheegay in xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo garab taagan tahey dhallinyaradda, kana shaqaynayso horumarinooda.
Wasiirku waxa uu sheegay in aflagaadooyinka ashkhaasya caadaystay cayda madaxweynaha aanay isku mashquulinaynin u jawaabistooda, hase yeeshee ay wax-qabad iyo horumar kaga jawaabi doonaan, waxaanu yidhi “Madaxweynaha ma waxaa wax ka sheegaaya mid Aan la garaneyn waxa uu yahay iyo wax uu dalkan  u qabto? madaxweynuhu u jawaabi maayo Dadka caadaystey inay cay iyo qabyaalad ummadan  ku jahawareeriyaan laakiinse waxaanu kaga jawaabeynaa ficil iyo wax-qabad muuqda.”
“Miisaaniyada qaranka waxaanu ka soo Qaadnay 47 Milyan oo Dollar, Waxaanan  gaadhsiinay 200 Milyan,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.
Wasiir Samaalle waxa uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tilmaamay Hoggaamiye wanaagsan oo dalkiisa ku hoggaamiyay jidkii horumarka iyo waxqabadka.
“Madaxweynaheenu Waa Hogaamiye Wanaagsan oo ummadani Xoolaheegii u Ilaaliyay  Horumariyayna,”ayuu intaas ku ladhay  Wasiir Samaalle
Wasiirku waxa uu  axsaabta Mucaaridka ah ku booriyay inay wax ka bedalaan ololahooda qabyaaladda iyo reernimadda ku salaysan oo wixii ay bulshadda u hayaan ay soo bandhigaan.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply