Xukuumadda Somaliland Oo Caalamka U Bandhigtay In Ay Ka Go’an Tahay In Doorashooyinku Xilligoodii Ku Qabsoomaan

0
376

Hargaysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale shacbiga iyo beesha caalamka u bayaamisay inay ka go’an tahay in doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan sannadka fooda innagu soo hayaa ay ku qabsoomaan xiligii loogu tallo-galay, waxaanay caddaysay inay fulisay dhammaan wixii u diyaar garow ahaa ee la xidhiidhay inay kaga qeyb-gasho hirgelinta doorashooyinka.

 Sidaasna waxa Sheegay afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, oo shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga hadlay arrimo kala duwan oo la xidhiidha khilaafka Golaha Wakiiladda, doorashooyinka Iyo eedaymo ka soo yeedhay Mudaneyaasha mucaaridka ah ee Golaha Wakiiladda.

 Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xukuumada uu hogaamiyo Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa ka go’an inay ilaaliso sharafta iyo karaamada ummada reer Somaliland oo ay difaacdo qaranimada Somaliland iyo midheheedda,  oo ay horumariso qarankan marxalad kasta oo uu dalkani maraayana la waayi maayo cid cadawga dalkan la shaqaysa oo ballo sheeg noqota oo shacbiga wax aan jirin u sheega, waxaase xaqiiqo ah in xukuumadda taladda haysa ee uu hogaamiyo Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay ka go’an tahay in gacantaana ay umadda ugu shaqayso. Gacanta kalena ay cadwga dalka kaga ilaaliso dibad iyo guduba waxaanu shacbiga Somaliland mar walba ka raaligalinaynaa hadalada deel-qaafka ah ee dhegahooda mar walba ku soo dhacayo,  ee  ay leeyihiin kuwa cayda ku seexda ee ku soo toosaa ay maalin walba warbaahinta  la taagan  yihiin.  waxaana u dambeeyay inay xukuumadda ku eedeeyaan inay golaha wakiilada farro-gelin ku ahyso, Waxaan halkan ka cadeynayaa in xukuumadda iyo golaha Wakiiladdu ay yihiin laba hay’adood oo qaranka u shaqeeya oo kala madax-banaan,  oo aan mid na mid kale faro-gelin karin, waxaa keliya oo ka dhexeeyaana waa inay qarankan u wada shaqeeyaan  waxaana taasi og shacbiga  Somaliland waxaa qeexaaya dastuurka Somaliland.  mar walba waxa ay ku andacoodaan xukuumadu doorasho ma doonayso, waxaan halkan ka cadaynayaa in xukuumadda  ay ka go’an tahay  in doorashadu dhacdo xilligeedii,  waxaana  taasi ku cadaynayaa saddex qodob oo xukuumadu diyaarisay si doorasho u dhacdo xilligeedii. marka hore kuma hadlayo guddoomiye Cirro oo wakhtigiisii sharciga ahaa ee la doortay ee shanta sano ahaa la dhaafay laba jeer,  haddana cid ku dhaliilaya doorashaa dib loo dhigay iyo cid baa kordhisanaysa.

1.       Kow madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxaa uu labada gole ee sharci dajinta Somaliland fadhigoodii wado jirka ahaa u cadeeyay in aanu isagu diyaar u ahayn in maalin loo kordhiyo oo ay ka go’an tahay   in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.

Waxa kale oo  uu madaxweynuhu qoraal u gudbiyay qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka oo uu ku cadeeyay in xukuumadu ay diyaar ka tahay xageeda wixii ku bixi lahaa doorashooyinka.

Waxaana ay ku jiraan miisaaniyadda 2015-ka, waxaana uu golaha wasiirada ansixiyay labo bilood ka hor loona gudbiyay golaha wakiilada miisaaniyadaasi waxaa  la warwareegaayo gudoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Cirro in bil ka badan ay hortaalaa, waxay xukuumadu diyaarisay xeerkii diiwaangelinta oo lagu daray wixii qodobo ahaa ee ay ku heshiiyeen xisbiyadda qaranku mucaarad iyo muxaafid-ba   waxaa ayaan darro ah oo markii u horaysay taariikhda Somaliland soo mara in guddoomiyaha golaha Wakiiladu uu xeerkii diiwaangalinta ee xildhibaanadu u cadeeyeen,  ee doodooda ka dhiibteen in markii uu dhamaaday xeerkaasi wax laga bedelay waa ayaan daro taariikhda ayaana  sheegi doonto, loomana fadhiyin in hadal dambe yimaado, waxaana ayaan darro ah in uu guddoomiye Cirro uu ka fikiro inuu xeerkii loo diyaarinayay umada reer Somaliland ee ubadka tagoogeena ku jira loogu talogalay  inuu anfaco inuu ku qiyaaso xisbigiisa Waddani oo uu ka dhiga shaadh le’eg xisbigaasi Waddani.

2.       Xukuumadu waxa ay diyaarisay Komishankii doorashooyinka oo imika u xaniban golaha wakiilada ee uu C/raxmaan Cirro hogaamiyo  haddii ay miisaaniyad tahay iyo xeer  iyo Komishan oo dhamaan ay ku xidhan tahay doorasho xukuumada xageeda, waa ka diyaar, waxaa  maamuli kari waayay  laba iyo sideetanka xubnood ee uu ka kooban yahay aqalka wakiilada Somaliland aqlabiyadii golahaasina ay ka soo horjeesteen, waxaase iswaydiin u baahan sidee buu  guddoomiye Ciro, u maamuli karaa qaran dhan oo qorshe dheer iyo mid fog u baahan.Mari haddii  uu maamuli kari waayay 82 xildhibaan, waa su’aal shacbiga u taalla”.

Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa sidoo kale waxa uu mid mid uga jawaabay hadallo deel-qaaf ah oo ay dhawaan warbaahinta ka sheegeen xildhibaano  ka tirsan xisbiga Waddani, isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa   uu dhawaan warbaahinta ka yidhi xildhibaan Siciid Cilmi  Rooble oo golaha in badan ku jiray    beesha caalamku hanoo   soo gurmato, taasi  oo macnaheedu  yahay qaran ma jiro ama Somaliland ma jirto ee ciidamo ajaanib ah noo soo dira.Waxa kale oo xildhibaanadda xisbiga Waddani kala qaybiyeen umadda reer Somaliland, waxaana  uu xildhibaan Bashiir Tukaale uu guddoomiye ku xigeenka koowaad  ee Wakiiladda Somaliland Baashe  Maxamed Faarax  in  uu ka dhigo qof  Somaliland aan u dhalan, taasi oo macneheedu noqonayso dadka degan goboladda Sool iyo Sanaag ma aha reer Somaliland.

Waxaanu dadkaasi ka raali galinaynaa umada rer Sool iyo guddoomiyaha  koowaad ee goluhu Md. Baashe taasi ma qabato umada reer Somaliland , waxaa sumacdoodu tahay waa Somaliland-nimo waxa uu xisbiga Waddani ka  sugayaana ma jirto. kala qaybin taasina waa mid ku gooni ah xisbiga Waddani ee umadda  reer Somaliland waa isku mid mana kala maaraanto.

Xildhibaan Bashiir Tukaale waxaan leeyahay erayo kooban gaadhiga marka uu istaan yaalo waxa go’aankiisa leh ama halka uu u baxayo cidkii kiraysato, haddii ay Boorama rabto iyo haddii ay Berbera ay  rabto, markaa xildhibaan Bashiir waa gaadhi istaan yaala oo marba waa cidii kireysata.Waxaa la yaab leh ninka la yidhaah Aareeye oo aana mudo dheer aniga arag ayaa isna TV-ga ka hadlay Cali Aareeye waxaa iigu danbeysay  isaga oo madaxtooyada jooga oo leh indhaha ayaa i xanuunaya ee ha la i caawiyo, madaxtooyaduna maaaama uu xildhibaan qaran yahay way caawisay oo indhihii wixii ay  ku jaraysay iyo taakuladii way samaysay markii indhihii hagaageen bidhiiqii u horeeyay waxa uu ku caayay madaxtooyadii uu shalay u cabanaayay, waxaana  uu yidhi boqol jeer Siilaanyo Siyaad Barre ayaa ka wanaagsanaa.

Siilaanyo, miyaanu ahayn kii la dagaalamay Siyaad Barre ee hormoodka ka ahaa xoriyadii dalka iyo dadkan, aad baanu uga xunahay in Cali Aareeye uu karaamada iyo sharafta reer Somaliland iyo halgankooda caayo, taasi waxaa ay cadaynaysaa in aanu Cali Aareeye dhibtii iyo  burburkii umadan ogayn oo ay isaga waxa uu arko uga danbaysay.

Waa ayaan daro kii umadan u hiiliyay ee xoreeyay ee nabadii ku soo qayb qaatay ee maanta horumarkaa aad arkaysaan wada, waa madaxweyne Axmed (Siilaanyo) inuu yidhaahdo  Siyaad Barre ayaa ka wanaagsan. Cali Guray isaga waxba odhan mayo oo waxaa wada hadlaaya inta fayaw  ee  fududaato” ayuu yidhi afhayeenku.

 Dhinaca kale  afhayeenka madaxtooyada   oo saxaafadu wax ka waydiisay warar  maalmahan dambe soo baxayay oo sheegayay in wasiirro  ka tirsan Somaliland  iyo xubno ka tirsan mucaaridka ay Dubai kaga qayb gelayaan shir ay Soomaaliya la yeelanayaan  ayaa arrintaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay. Waxaanu yidhi “Somaliland waxa ay diyaar u tahay in wada hadaladaa u socda Somaliland  iyo Soomaaliya ay sii socdaan ujeedada Somaliland waa in lagu kala baxo wada hadal ee aanay noqon in xabad lagu kala baxo, waxaan dhawaan warbaahinta ku arkaayay in xisbiyada iyo xukuumada isku raacayaan wada hadaladaasi aynu la leenahay Soomaaliya, waxaan halka ka cadaynayaa in aanay waxba ka jirin warkaasi sheegayay  in xisbiyo iyo wasiirro tegayaan Dubai, Wada hadalada waxaa ka masuul ah xukuumada xagga  Somaliland waa ka diyaar inay sii socdaan wada hadaladaasi ee waxaa aan diyaar ahayn  oo uu xagooda ka taagan yahay waa xuuumada Soomaaliya.

Xukuumada Somaliland diyaar bay u tahay in wada hadaladaasi sii socdaan oo aan ku kala baxno wada hadal ee aynaan  xabad ku kala bixin.”

By: Idiris M.Xasan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply