Tiradda Caaradda loo yaqaano Caaradda Daa’uuska ah oo sii badanaysa dunnida

0
493

Tiradda xayawaanka loo yaqaano Caaradda oo ah nooc u eg shimbirka loo yaqaano Daa’uuska ayaa ilaa hadda ah 25 midh oo la helay,kadib markii daba gal iyo baadhitaan lagu sameeyey,waxaanay noocyadooda ugu quruxda badani ka kooban yihiin siday warbixin dhowaan lasoo saaray sheegtay ilaa 10 nooc oo caaro ah.
Muwaadin u dhashay dalkaasi Australia,gaar ahaana magaalada Sydney , Queensland iyo New South Wales ayaa la sheegay inay tahay meelaha ugu badan ee ay ku nooshahay caaradaasi sida Daa’uuska u quruxda badani,waxaanay ku faaftay sida la sheegay,iyada oo kazoo bilaabantay kaymaha magaalada caasimada ah ee Sydney udhow.
Caaradan Daa’uuska ah ayaa lagu magcaabaa qoyskeeda ay kazoo jeedo xayawaan ahaan nooca loo yaqaano Jumping Spider-ka,waxaana loo yaqaanaa magaceeda marka la eegaayo caalami ahaan Salticidae,waana mid ka kooban 500 oo jinsi ,taas oo lagu qiyaaso ugu yaraan 5000 oo nooc,taas oo ka kooban 25 Caaro oo kala duwan oo nooca quruxda badan ah,waxaanay ka tahay Caradda 13%.
Caaradan ayaa sidoo kalena lagu magcaabaa Caaradda Booda ,iyada oo magacan loogu bixiyey ,iyada oo isaga booda meelo aad u kala fog iyada oo aan isticmaalayn wax qafas ah,waxaana labkeeda iyo dhedigeeda qurux badna labkeeda.
Dhinaca araga ayaa ah mid ay aad ugu sarayso Caaradaasi,iyada oo wax ka aragta masaafo dhan ilaa 20 cm,waxaanay halkaasi ka ugaadhsataa waxyaalo kala duwan,loogumana magcaabin magacan Caaradda Daa’uus-ka ah quruxda oo keliyaata ee waxay sidoo kale caan ku tahay xarago ay u xaragooto sida shimbirka la magaca ah ee Daa’uuska ah.
 

Leave a Reply