Waxaan Ka Baqaynaa Khasaare!

0
389

Shirkad samaysa Shaglaydhka oo aad caan uga ah dalka Belgim ayaa iska bedeshay magaceeda qadiimiga ah ee ISIS. Sababta ay shirkadu u bedeshay ayay ku sheegtay iyagoo isu ee kaaday magaca Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam ka dagaalamaysa.
Shirkadan oo la asaasay 1932 isla markaana ahayd shirkadii ugu horaysay ee dalka Belgim samaysa shaglaydhka ayaa sidaas go’aamisay ka dib markii ay suuqa badeecaddeeda shaki ka galay iyagoo ka baqay inay khasaare gelaan oo iibkooduna hoos u dhaco.  Madaxa shirkadan ayaa sheegay inay samaynayaan magac gaaban oo cusub oo aan xidhiidh la lahayn cid kale kaasi oo u qalma badeecadda aanu samayno. Ayuu ku soo koobay hadalkiisa.

Leave a Reply