Wefti Ka Socda Safaaradda Turkiga Ee Jabuuti Oo Booqday Saylac

0
384

Saylac, (Dawan)- Wefti ka socda safaarada dalka Turkiga ee Jabuuti ayaa socdaal yimi magaalo xeebeeda Saylac ee xarunta gobolka Salal.
Weftigan oo uu wehelinayo guddoomiyaha jaamacada dalka Jabuuti ayaa waxa halkaas kusoo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Salal, duqa degmad aSaylac, taliye ku-xigeenka qaybta booliska ee gobolka Salal.
Weftigan oo soo indho indheeyay goobo taariikhi ah oo ay ka mid yihiin dekada qadiimiga ah ee magaalada Saylac ayaa kulan la yeeshay  masuuliyiinta gobolka Salal iyo kuwa degmada Saylac, waxaana ujeedada safarkan ka warramay guddoomiyaha jaamacada dalka Jabuuti Dr Jaamac  Maxamed Xasan,”Waxaan aad ugu faraxsanahay sida walaaltinimda leh ee aad noo soo dhaweyseen waxaanu u soconaa sidii aan wax idiin kala ogaan lahayn baahiyaha asaasiga ah ee u baahan istaageersiga.” ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Sidoo kale, waxa isaguna halkaas ka hadlay Dr. Burhaan oo ka socda safaarada Turkiga ee dalka Jabuuti.
Dhinaca kale, waxa  xaaladda degmada Saylac uga warramay duqa degmadaas Xuseen Iidle Barkhadle waxaanu si wanaagsan ugu soo dhaweeyay weftigani magaalada Saylac oo uu sheegay inay hoos yimaadaan 18 tuulo oo aad ukala fogfog.
Waxa kale oo isna goobtaasi ka hadlay Badhasaabka GObolka Salal Cabdirasaaq Waaberi Rooble, waxaanu sheegay inay xukuumad ahaan ku soo dhaweynayaan weftigan ka socda dalka Turkiga gobolka Salal diyaarna u yihiin wixii istaageersiya ee looga baahdo dhinaca Somaaliland.
By: Maxamed Cawaalle Daahir
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply