Masuuyiinta Warfaafinta Oo Kormeeray Goobaha Ay Ka Socoto Diiwaangelinta Madaniga Ah

0
357

Hargeysa, (Dawan)- Masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ayaa kormeer ku soo maray qaar ka mid ah goobaha ay ka socoto diiwaan-gelinta madaniga ah ee muwaadiniinta Somaliland.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo uu wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaraddaas Maxamed Cilmi Aaden intii ay kormeerkooda ku guda jireen warbaahinta la hadlay ayaa dadweynaha caasimadda ugu baaqay inay u soo baxaan diiwaan-gelinta, isla markaana ay goobaha diiwaan-gelinta iska xaadiriyaan.
Ugu horeyn wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland oo ka hadlay kormeerka ay ku soo mareen goobaha ay ka socoto diwaan gelintu ee caasimada Hargeysa ayaa waxa uu dadweynaha ugu mahad-naqay sida ay ugu soo baxeen, waxaanu yidhi “Sida aad arkaysaan waxa si habsami ah inoogu socota hawshii diiwaan-gelinta muwaadiniinta Somaliland oo meel kasta oo aanu tagney ay dadku safaf dhaadheer ugu jireen, waanan ugu hambalyeynayaa sida ay dadku ugu soo baxeen inta dhimana waxaan rajaynaynaa inay iyaguna ka faa’iidaystaan fursadaa, waana qarannimadii iyo dadka oo muujinaya inuu dalkiisu yahay Somaliland, markaa waxaan dadka u soo jeedinayaa inay si fiican ugu soo baxaan, waanan uga mahad-celinaynaa  hawl-wadeenada wada hawsha diIwaan-gelinta  wixii ka dhiman ee kormeerkayaga nooga soo baxayna waanu  ka wada hadli doonaa.”
Sidoo kale Agaasimaha  guud ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan  oo isaguna ka hadlay kormeerkan ay ku soo mareen goobaha diiwaan-gelinta ayaa soo dhaweeyey sida ay u socoto, waxa kale oo uu taageeray dhaqdhaqaaqa wasaaradda caafimaadka ee ka hortaga cudurka Ebola waxaanu yidhi, “Hawshu si fiican ayey u socotaa waxaanan u mahad-naqaynaa shaqaalaha diiwaan-gelinta, waxaananu leenahay dadkiina u shaqeeya, bahda wacyigelinta waad ku mahadsan tihiin sida aad uga qayb qaadanaysaan, waxa kale oo aan leeyahay dadweynaha reer Burco ku soo dhawaada idaacada Radio Hargeysa maadaama oo ay idin soo gaadhay mawjadii FM, waxa kale oo aan u mahad-naqayaa wasaaradda caafimaadka iyo dhaqdhaqaaqa ay wadaan ee la dagaalanka cudurka Ebola, taasoo wasaaradda warfaafintuna ka qayb qaadan doonto wacyi-gelinta.” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland.
 
“Beeneey Waa Run” Cuqaasha Buuhoodle
 
Haddii aanu nahay cuqaasha golaha deegaanka culimo aw-diinka dhalinyarada Aqoon yahanada Ururada Bulshada ee Gobolka Buuhoodle iyo Degmooyinkiisa waxaanu cadeynaynaa in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr:Saleebaan Ciise Axmed (Xagle toosiye) waxa qabadkiisa shaqo ee Gobolka Buuhoodle aanu ahayn waxa la dafiri karo haddii ay tahay.
1.    Nabad galyada
2.    Caafimaadka iyo is dhex galka bulshadda oo qayb weyn ka qaadata nabada iyo horumarka bulashada tusaale ahaan haddii aan waxa  yar ka taabto
Nabad galyadda Wasiirku wuxu ka soo bilbaaye xaladii adkeyd ee ahayd Dejintiii coladii ka dhacdey Gobolka ilaa hadana lagu  fadhiyo arimaha Caafimaadka Somaliland  waa ognahay wax qabadkiisa wasaarad, iyo horumarka balaadhan ee uu gaadhsiiyay muddadii  uu joogay, waxaa la odhan karaa , Wasiirku isagoo, la kaashanaya, Illaahay  iyo dawalada waxyaabo aan la fileyn, ayuu ku talaabsadey, sida, keenista Dhakhaatiir caalamiya, Qalab Caafimaad oo casriya, Gaadiid Caafimaad sida, Umbalaasyada  oo baahi weyn loo qabey oo Gobolada Dalka u qaybiyey. Siminaaro iyo xirfado caafimaad oo shaqalaha Wasaarada Caafimaadka lagu baraayo, iyo toboboro Caafimaad oo dibada ah lama soo koobi karo. Runtii  wax qabadka Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr: Saleebaan (xaglo toosiye)
Haddaan, in yar ka taabto wax qabadka Gobolka uu ka soo jeedo dhinaca Caafimaadka waxa hadda dhammaadey 9 Mashruuc oo isku jira Caafimaadka iyo adeega Bulshada waxana kaloo diyaara 11 mashruuc, oo wajiga labaad aha. wajiga 3aad oo iyna ah  23 Mashruuc oo dhammaan tood ka kooban adeega  Bulshada iyo horumarinta Gobolbalka,
Gabo gabo waxaa wax lala yaabo ah qoraalo lagu qorey Mareegaha internetka, ayaamihii u danbeeyey oo aflagaadeynaayey Masuliyiinta Qaranka gaar ahaan Wasiirka Cafimaadk. iga oo leh waxa  xukumada iyo Hayadaha samafalka uga soo qaadno Gobolka waxu ka dhigtaa Hanti uu leeyahay,
Haddaba waxa bulshada Somaliland u sheegeynaa in Dr:Saleebaan Ciise Axmed (Xagle toosiye) inaan aanu ahayne nin daneeya lacagta iyo waxa umadda oo dhanba oo sharaftiisa waxa u dhimaaya ee uu yahay hankiisu yahay waxqabad iyo meel sare gaadh
Hadaba kuwa Aflagaadeyey waa kuwo Bulshada Gobolku taqaano
Isla markaan cadeystaye in ay caaglaystaan wax qabadka iyo horumarka ka socda Gobolka Buuhoodle
taas oo carqalad ku ah arimaha nabad galyada, horumarka iyo siyaasadaha sidaa awgeed Hadii aanu nahay ( Cuqaasha , Culimadii Waxgaradkii,Ganacsatadii  Dhalinyaradi,
Golaha Deegaanka Buuhoodle,maamulka Dagmooyinka Gobolka sida Qorilugud Widh Widh,Xamar-Laguxidh iyo Dhamaan  waxa garadka  bulsha Gobolka Waxaanu cadeyneynaa dhamantayo, in uu  masuulka yahay,ugana daba fadhino, Dhammaan wixii xuquuqa ee Gobolka ku leeyahay Dawlada s/land is lamarkaana uu masuul kayahay Arrimaha  nabadgalyada Hormarka Biyaada Cafimaadka.
Iyo dhamaan adeega bulsho isla markaana wixii xukumad ahaan xaq lagu leeyaahay Gobolka inuu naga matalo, sidii aanu mar horeba kal sooni buuxda u siiney
Xukumadda waxaanu ka codsaneynaa wixii aanu xaq  aanu u leenahay iyo siyaadaba  inay noo fudeydiso il gaarana la nagu eego
 
Magacyada Cuqaalsha Gobolka Buuhoodle
1.    Ch/Caaqil Xasan X.Haaruun Ducaale
2.    Ch/Caaqil Ismaaciil X. Cabdilaahi X. Omar
3.    Ch/Caaqil Xasan Xuseen Daahir
4.    Ch/Caaqil Axmed Muuse Aadan
5.    Ch/Caaqil Xasan Ciise Wacays
6.    Ch/Caaqil Maxamuud Ibraahim X. Garbiye
7.    Ch/Caaqil  Cabdilaahi Maxamed Maxamuud (Xoosh)
8.    Ch/Caaqil Cabdilaahi Xasan Qanbi
9.    Ch/Caaqil Cilmi X. Cabdilahi X. Maxamed
10.                       Ch/Caaqil Maxamed Ibraahim   Cabdi
11.                       Ch/Caaqil Cali Aadan (Afkuwaranle)
12.                       Ch/Caaqil Xasan Dhuuxyare
13.                       Ch/Caaqil Yaasiin Axmed Yool
14.                       Ch/Caaqil Saxardiid Bare Saalax
15.                       Ch/Caaqil Maxamed Suleebaan Warsame (Gadoob)
16.                       Ch/Caaqil Yaasin Cumar Qaal
By: Siciid M.Askar

Leave a Reply