16 Baabuur Oo Lagu Wareejiyay Wasaaradaha Fulinaya Mashriicda Laga Maal-gelinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland

0
392

Hargaysa (DAWAN)- Gaadiid cusub oo tiradiisu dhan tahay 16 baabuur, ayaa lagu wareejiyey shan wasaaradood iyo laba wakaalood oo fulinaya mashaariicda uu maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).
Baabuurtan oo noocooduna yahay Toyota Hillux Pick-up uu bixiyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland, ayaa lagula kala wareegay xaflad lagu qabtay gudaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka khamiistii la soo dhaafay, waxa ka qaybgalay wasiirrada iyo agaasimayaasha wasaaradaha Xannaanada Xoolaha, Degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga, Qorshaynta Qaranka, Beeraha iyo Khayraadka Biyaha iyo maareeyayaasha wakaaladaha Horumarinta Waddooyinka iyo Biyaha Hargeysa, kuwaas oo dhammaantood fulinaya mashaariic lagu horumarinayo shaqooyinka ay bulshada u hayaan. Sidoo kale, waxa madasha goob-joog ka ahaa masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda iyo madaxda maamusha Sanduuqa Horumarinta Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ahna Guddoomiyaha Komishanka Qorshaynta Qaranka iyo Guddida Maamulka Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo furay xafladda lagula kala wareegay gaadiidkan, ayaa sheegay in gaadiidkan ay isticmaali doonaan kooxaha mashaariicda maamulaya mashaariicda wasaaradaha iyo wakaaladaha dawladda fulinayaan si ay kormeer iyo dabogal ugu sameeyaan habsami u socodka Sanduuqa Horumarinta Somaliland.
“Gaadiidku waa wax aad muhiim ugu ah hawl-qabadka ama shaqada wasaaradaha, gaar ahaan wasaaradaha shaqadoodu ku xidhan tahay gobollada dalka, shaqaalaha wasaaradaheenna oo yar waxay ku kooban yihiin xarumaha wasaaradaha, markaas si looga hawlgalo gobollada waxa loo baahan yahay gaadiid, runtiina waxyaabaha shaqadeenna ragaadiya waxa ka mid ah gaadiid la’aanta. Sidaa darteed, 16-kan baabuur ee halkan ku sugani waxay wayn ka tari doonaan socodka shaqada wasaaradaha iyo hay’adahaas loogu deeqay,” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.
Waxa kale oo uu masuuliyiinta wasaaradaha iyo wakaaladaha iyo weliba darawallada lagu wareejiyey gaadiidkan kula dardaarmay inay iska xilsaaraan ilaalintooda, una xannaaneeyaan sida baabuurtooda oo kale, isagoo gudashada muuliyaddaasi u qaaday Wasiirradiisa oo laba ka mid ah baabuurtan lagu wareejiyey.
Wasiir Sacad waxa uu u mahadnaqay dawladaha Boqortooyada Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Netherlands oo uu sheegay inay si deeqsinimo leh ugu tabaruceen shacabkan Somaliland.
Dhinaca kale, Wasiirrada Wasaaradaha Xannanada Xoolaha iyo Degaanka iyo Horumarinta reer Miyiga – Dr. Cadbi Aw Daahir iyo Marwo Shukri Ismaaciil Baandare oo min 3 baabuur wasaaradahoodu ku lahaa gaadiidkan, ayaa hadallo ay ka jeediyeen madasha uga mahadnaqay deeqbixiyayaasha taageerada ay la garabtaagan yihiin shacabka iyo dawladda Somaliland, isla markaana gaadiidkani wax wayn ka tari doono mashaariicda Sanduuqa Horumarinta ee fulinayaan oo ku kala jihaysan horumarinta xoolaha iyo degaanka.
 
Agaasimayaasha Wasaaradaha Beeraha iyo Khayraadka Biyaha – Cabdillaahi Ismaaciil Faarax iyo Cabdirisaaq Jaamac Nuur oo iyagana wasaaradahoodu mid waliba ku laba baabuur ugu jiray gaadiidkan, ayaa soo dhaweeyey deeqdan oo ay ku tilmaameen inay baahi wayn u qabeen si ay ugu fuliyaan mashaariic lagu siiyey inay ku sameeyaan xidhitaanka biyaha dooxyada si ay uga faa’iidaystaan beeralaydu iyo ballaadhinta biyaha ee magaalooyinka dalka.
Sidoo kale, Maareeyayaasha Wakaaladaha Horumarinta Waddooyinka iyo Biyaha Hargeysa  Xasan Cali Cismaan iyo Ibraahim Siyaad Yoonis oo kala helay min laba baabuur, ayaa ballan-qaaday inay kaga shaqayn doonaan hawlaha fulinta mashaariicda dhismaha waddooyinka dalka iyo biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa ee qaybta ka ah Sanduuqa Horumarinta Somaliland.
Waxa kale oo xafladda hadallo ka jeediyey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Cismaan Cabdillaahi Saxardiid, madaxa xafiiska Somaliland ee Sanduuqa Horumarinta Mr. Anthony Njune iyo weliba Siciid Axmed Faarax oo ku hadlayey afka darawallada gaadiidkan cusub oo shaqada ku helay nidaam tartan iyo imtixaan laga qaaday ah, kuwaas oo dhammaantood tilmaamay muhiimada baabuurtani u leeyihiin fulinta mashaariicda waddanka ka socota si loogu guulaysto.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply