Wasiirka Warfaafinta Oo Furay Baahinta FM-ta Radio Hargeysa Oo La Gaadhsiiyay Burco

0
402

Burco (Dawan): Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka, Wacyigelinta iyo Dhaqanka C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa  xalay  xadhiga ka jaray baahinta FM-ta idaacadda Radio Hargeysa oo la gaadh siiyay Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
 
Xaflad balaadhan oo loo sameeyay   furitaanka baahintaas   FM ta Radio Hargeysa oo lagu qabtay guriga madaxtooyada ee magaaladda Burco, waxa ka soo qeyb galay maamulka gobolka, ka degmadda, waxgarad iyo marti sharaf kala duwan.
 
Wasiirka Warfaafinta oo xafladaasi ka hadlay ayaa  ka waramay ahmiyadda ay  Fm-ta  Radio Hargeysa ee laga furay Burco ay waxtar u yeelan doonto buslahdda Magaaladaasi oo baahi weyn u qabay.
 
Dhinaca kale C/laahi Cukuse, ayaa  jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay mucaaradka, waxaanu sheegay in uu jawaab uga dhigayo xubnahaasi mucaaridka ah ama jawaab ugu filan tahay waxqabadka kala duwan ee ay dawladu dalka ka hirgelisay.
Wasiirka warfaafintu isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi   “Waxaan rabaa in aynu waxoogaa ka jawaabno hadalada dhawrka qof ee mucaaradka ahi ay sheegeen  maadaama aanu annagu xilkii qaranka hayno,  waxaanu ugu jawaabi doonaa waxqabadka ay  dalka ka qabatay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo  intii ay taladda haysay, waxaanu sheegi doonaa inta magaaladda Burco gaar loogu qabtay.”
 
“Kordhinta mushahaarooyinka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda, Darajooyinka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda, dhismooyinka wasaaradaha iyo xafiisyada qaranka ee  dalka, waddooyinka magaalooyinka gudahooda iyo kuwa dhaadheer ee qaarna la dhameeyay qaarna gacanta lagu hayo waxaa dhamaaday, wadooyinka  isku xidha goboladda iyo degmooyinka dalka qaarkood” ayuu yidhi C/laahi Cukuse.
Sidoo kale waxaa munaasibadaasi hadalo ka jeediyay badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo masuuliyiin kale kuwaasi oo dhamaantoodba ka waramay sida ay muhiimka u tahay in mawjadda FM ah ee radio Hargaysa laga furo magaaladda Burco.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply