Badhasaabka Xaysimo Oo Qoddobeeyay Qorsheyaasha Ay Somaliland Ka Fulinayso Deegaankiisa

0
414

Taleex (DAWAN)-Badhasaabka Gobolka Xaysimo C/Rashiid Maxamuud  Axmed, ayaa gelinkii dambe ee maalintii khamiistii si balaadhan loogu soo dhaweeyay Magaaladda Talleex ee xarunta gobolka cusub ee Xaysimo.
Badhasaabku waxa uu u mahad celiyay cuqaasha, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda degmadda Taleex oo uu tilmaamay inay si balaadhan ugu soo dhaweeyeen, isla markaana qaabilaadoodu ay ka turjumayso inay ku dhiiradaan waxqabad balaadhan
Badhasaabka Xaysimo waxa uu sheegay in qorsheyaashiisa ugu horeeya ay ugu weyn yihiin adkaynta nabadgelyadda, dib u heshiisiinta beelaha degmadda Taleex shaqaaqooyin ugu dhex mareen iyo sidii maamulka dawliga ah loogu fidin lahaa degmooyinka gobolkaasi ka kooban yahay.
“Waxaan u mahad celinayaa oo aan ammaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay gobolka Xaysimo oo ah gobol Istaraataji ah oo balaadhan. Dhul ahaan gobolka Xaysimo waxa goboladda dalka oo dhan ka weyn gobolka Sanaag oo qudha, waxa noo qorshaysan inaanu gobolka gabi ahaan-ba gaadhsiino maamulkii dawladda. Waxa kale oo aanu awooda saaraynaa inaanu nabadgelyadda iyo dib u heshiisiinta beelaha Taleex ka shaqayno oo ahmiyadda ugu weyn aanu siinno,”ayuu yidhi Badhasaabka Xaysimo C/Rashiid Maxamuud  Axmed.
 
Badhasaabku waxa kale oo uu qurbo jooga gobolka iyo dadweynahaba ugu baaqay inay dawladda Somaliland kala shaqeeyaan horumarinta adeegyadda bulshadda ee deegaankoodu u baahan yahay.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply