Qeylo-dhaanta Maamulka Gobolka Togdheer Iyo Gurmadka Xukuumadda Dhexe

0
390

Burco (DAWAN)-Biriishkii hore ee magaaladda Burco ee Burco ayaa laga dayriyay, waxaana la sheegay inuu qarka u saaran yahay inuu dumo,sidaasna waxa daboolka  ka qaaday Maamulka Gobolka Togdheer oo ku baaqay in deg-deg loo badbaadiyo biriishka oo ruxmaya  lagana cabsi qabo in khasaare fool xumi ka dhasho.
Badhasaab Ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Yuusuf Ubaxle oo ka hadlayay cabsida ay ka qabaan biriishkaasi waxa uu yidhi “Dareen cabsiyeed ayaa igaga galay biriishka waayo wuu sanqadhayaa,wuu ruxmayaa. Way adag tahay-ba sida uu ku sii jiraa haddii aan si dhakhso ah wax looga qaban.”
Agaasimaha Waaxda dhulka iyo guryaha ee wasaaradda hawlaha Guud Maxamuud Maal Cali, oo horkacaya xubno Injineerro ah ayaa Burco u tagay sidii ay xog ururin uga soo samayn lahaayeen biriishkii hore ee Burco ee laga dayriyay.
“Waxaanu u nimid In wixii dhaawaca gaadhay biriishka koowaad ee Burco la baadho oo tix-raac lagu sameeyo. Waxaanu arkaynaa in saddex meelood oo ah meelihii biyuhu marayeen waxyeelo soo gaadhay, markaa  aniga iyo xubnaha ila socdaaba waxaanu ku nimid Burco qaylo dhaanta maamulka gobolka Togdheer ka bixiyeen biriishka. Markaa waanu darsanayaa sida wax u gaadheen biriishka,”ayuu yidhi Agaasimaha Dhulka Iyo Guryaha ee wasaaradda Hawlaha Guud.
Eng. Maxamuud Maal waxa uu intaasi ku daray in wixii xal u noqon kara biriishka ay hor-dhigi doonaan Dawladda Hoose ee Burco iyo Wasaaradda Hawlaha guud oo wakiil ka ah xukuumadda dhexe ee Somaliland.
Sidoo kale Xidlhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa  sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg deg ah loo galo sidii wax looga qaban lahaa biriishkaasi oo uu xusay inuu u baahan yahay bad-baado deg deg ah ka hor inta aanu ka dhalan khasaare laxaad lihi.
Sidoo kale, shacbiga ku dhaqan magaaladda Burco ayaa iyaguna cabsi weyn ka qaba biriishkan oo ay sheegeen inuu muddaba ruxmayay isla markaana ay suurto-gal tahay inuu dumo, haddii aan wax laga qaban.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply