Burkina Faso oo Madaxweynahii Is casilay iyo Janaraal Qabsaday Xukunkii

0
407

Madaxweynaha Bukrina Faso, Blaise Compaore ayaa  ku dhawaaqay  in uu xilka isaga degay, kaddib laba maalmood oo ay dibad baxyo xooggan ka socdeen dalkaasi, waxaana taladii dalka la wareegay janaalkii ciidamada.
Dibad baxayaasha oo isugu soo baxay caasimada Ouagadougou ayaa dalbanayay in uu madaxweynaha xilka isaga dego.
 
Mr Compaore ayaa soo saaray qoraal sheegayay in ay haatan bannaan tahay madaxtooyadii dalku, waxaanu booriyay in doorashooyin lagu qabto 90 cisho  gudahood.
Taliyaha milateriga janaraal Honore Traore ayaa sheegay in sababta uu ula wareegay talada tahay mid waafaqsan dastuurka dalka u yaal.
Kumanaan shacab ah ayaa dabbaaldegayay iyaga oo faraxsan caasimada Ouagadougou,  markii uu soo baxay warka is casilaadu.
Blaise Compaore ayaa xilka dalkiisa qabsaday 1987 isaga oo xilligaasi ahaa sarkaal da’ yar, kaddib markii ay ciidammada xaallad aan la faahfaahin ku toogteen madaxweynihii Burkina Faso u talinayay xilligaasi, Thomas Sankara.
Blaise Compaore ayaa lagu eedeeyay in uu taageero siin jiray jabhado ka dagaallami jiray dalal ku yaalla Galbeedka Afrika oo ay Sierra Leone ka mid tahay.
Balse Madaxweyne Compaore ayaa mudooyinkii dambe hagaajiyay sumcadiisa uu ku leeyahay gobolka iyo caalamkaba, waxaana uu qeyb ka ahaa dadaallo lagu xallinayay colaado ka dhacay dalalka Ivory Coast, Mali iyo Guinea.
Waxaa uu  sidoo kale xidhiidh dhow la sameystay dalka Faransiiska, oo uu u ogolaaday in uu saldhig ciidan ku yeesho dalkiisa Burkina Faso.
Compaore ayaa ku guuleystay doorashooyin isxig-xigay, walow ay natiijooyinka doorashooyinkaasi ka qeyliyeen mucaaradka dalkiisa.
Si ka duwan madaxweynihii ka horreeyay, Compaore ayaa qaaday dhabo dhaqaale oo waafaqsan tallooyinka hay’adaha dhaqaalaha caalamiga ah. Iyada oo ay sidaa tahayna, Burkina Faso waxa ay weli ka mid tahay dalalka heerka saboolnimada uu aad ugu sareeyo.
Faqiirnimada heerka sareysa ayaa loo aaneynayaa cadhada ka dhalatay isku dayga Compaore ee uu mudada xilka ku dheeraysanayo.
 

Leave a Reply