Caruur Dacweeyay Shirkad Diyaaradeed

0
406

Laba wiil oo u dhashay dalka Malaysia ayaa dacweeyay shirkadda diyaaradaha ee dalkaasi, oo ay ku eedeeyeen inay dayacday aabahood oo ay ku waayeen diyaaraddii muuqbeeshay ee la waayay bishii Maarso ee sanadkan.
Waa dacwaddii ugu horeysay oo noocaan ah oo la furo tani iyo markii diyaaradda la waayay, taas oo ay la socdeen 239 qof, waxayna ku sii jeeday magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.
Wiilasha, oo da’doooda ay kala tahay 11 iyo 13 sano jir, waxa ay doonayaan magdhow ay bixiyaan dowladda Malaysia, ciidamada cirka, iyo maamulka diyaaradaha, taas oo ay sabab uga dhigayaan cidhiidhi ku noolaansho iyo taageero la’aan.
Weriyaha BBC ee ku sugan magaalada Kuala Lumpur ayaa sheegaya inay tahay dhaqaaq geesinimo leh, iyadoo eheladda dadkii ay la luntay diyaaraddii la waayay, ay ka baqayaan inay sheegaan hadal ka dhan ah dowladda.

Leave a Reply