‘Xildhibaan Aareeye Waa Dabeyl-Xagaa, Madaxwaynaha Waanu Ka Raaligalinayna..’

0
398

Boorama (DAWAN) – Badhasaab ku xigeenka Gobalka Awdal mudanen Cabdiraxmaan Xaaji Nuur Sugaal, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal dhawaan ka soo yeedhay Xildhibaan Cali Aareeye, kaas oo uu xildhibaanku ku af-lagaadeeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Badhasaab ku xigeenka Gobalka Awdal Cabdiraxmaan Xaaji Nuur Sugaal, waxa uu sheegay inuu raali-gelin ka siinayo madaxawaynaha Somaliland Mudane Axmed siilaanyo, hadaladdii  deel-qaafka ahaa ee Xildhibaan Cali Macalin Aareeye  maalmihii la soo dhaafay warbaahinta ku qoray, isagoo ku hadlaya afka Beesha Ciise, waxaanu ku tilmaamay siyaasada Xildhibaan Cali Macalin Aareeye mid is badbadal badan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay isagoo arrimahaasi ka hadalay, “wuxuu xildhibaanku ka soo jeedaa Beesha Ciise oo ah beel dhaqanka ku adag taqaanana nidaamka dowladnimada. Beesha Ciise waa beel ka xishoota waxayaabaha aan milgaha ahayn, waxaan lee yahay Xildhibaan Cali madaxwaynuhu maaha qalin khadkii ka dhamaaday ee adiga ayaa ah. Xildhibaan Cali Aareeye waxa uu ka mid ahaa xisbigii UBUD, isagoo xisbigaas UDUB ka mida ayaa loo diray beeshiisii loona dhiibay dhaqaalihii beeshiisa  Cali maalintii ayuu iska casilay oo ahayd maalin aan towbada layska aqbalin, wuxuuna ku biiray Kulmiye.”
Mudanen Cabdiraxmaan Xaaji Nuur Sugaal waxa kale oo uu intaa ku daray “Xildhibaan Cali Aareeye madaxwaynaha ayuu Ingiriiska u raacay wuxuu sheegay sharaftii madaxwaynaha iyo wuxuu ahaa, ma ammaanin ee wuxuu sheegay sharaftii madaxwaynaha iyo wuxuu soo qabtay, inuu isgarab dhigo ayaa fiican tii uu  maalintaa lahaa iyo tan uu maanta yidhi”.
Badhasaab ku xigeenka Gobalka Awdal, waxaanu intaas kudarey isagoo hadalka sii wata, “Xildhibaan Cali Aareeye siyaasadiisu waa dabeyl-xagaa dabeyl-xagaana dhinac walba way kaaga timaada. Madaxwaynaha anigoo ku hadlaya afka beesha Ciise waanu ka raaligalinaynaa cayda iyo ceebta uu ku sameeyay”.
By:Yoonis M.Jaamac
 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply