Ciidamo la Dul dhigay Masjidka Al-aqsa

0
415

Israa’iil ayaa aad u adkeysay amniga nawaaxiga masjidka Al-Aqsa ee magaalada Qudus, halkaas oo shalay  dib loo furay si loogu tukada salaadda Jimcaha kaddib markii la xidhay Khamiistii oo rabshado ay ka dheceen.
Kumannaan askeri oo Israa’iiliyiin ah oo aad u hubeysan ayaa masjidka u ogolaanayay inay galaan dadka 50 ka sano ka weyn oo keli ah.
Falastiiniyiinta ku sugan Qudus ayaa ku baaqay in la isugu yimaado dibad baxyo ay ku sheegeen “Maalinta Cadhadooda”, taas oo daba socota nin Falastiini ah oo booliska Israa’iil ay toogteen.
Waxaa ninkaasi looga shakiyay inuu ka qeyb galay weerar arbacadii lagu qaaday dhanka midigta oo ay ku cibaadeysteen Yahuudda.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo xiisadda sii hureysa ee magaalada.
 

Leave a Reply