Ruushka oo Gaaska Dib uga Iibinaya Ukraine

0
364

Ruushku waxa uu ogolaaday in uu dib u bilaabo gaaskii uu u dhoofin jiray Ukraine, waxa uuna qayb ka yahay heshiis ay dhexdhexaadiyeen Midawga Yurub.
Xukuumadda Ruushka ayaa joojisay shidaalkii ay u dhoofin jirtay Yukraine dhawr bilood kahor, sababtuna waxa weeye Ukraine oo iska bixin wayday daymo ay Ruushku ku yeesheen.
Heshiiskan waxaa kale oo uu ogolaanayaa in shidaalku uu sii dhexmaro Ukraine oo wadamo kale oo qaarada Yurub ah laga iibiyo.
Madaxa arrimaha shidaalka ee Midawga Yurub Guenther Oettinger ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in Ukraine ay awoodi doonto in ay iska bixiso kharashaadka shidaalka ay u baahantahay.
Waxa uu intaas ku daray in arrintan ay noqon karto talaabo yaraysa xasaasiyada ay kala qabaan Ruushka iyo Ukraine.
 

Leave a Reply