“Gabiley Kamuu Dhicin Muddaharaad Lagu Gubay Calanka KULMIYE Ee Waxaanu Aragnay Calan Cida Yaalla Oo Gubanaya”

0
411

Gabilay(Dawan):- Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa sheegay inaanay jirin wax mudaharaad ah oo khamiistii ka dhacay magaaladda Gabiley, hase yeeshee ay Tv-yadda ka daawadeen calanka xisbiga KULMIYE oo  cidla yaala isla markaana  gubanaya.
Guddoomiye Shiine waxa uu sheegay in laba weriye oo la xidhay xadhigoodu uu ka dhashay sababo la xidhiidha ammaankooda oo halis geli gaadhay markii ay fidiyeen war been abuur ah oo ay qoonsadeen dad badan oo iskugu jiray masuuliyiin iyo taageereyaasha xisbul-xaakimka KULMIYE.
 
Waxa kale oo uu Goddoomiyaha Gobolka Gabilay ka hadlay sida ay ugu diyaar garoobeen diiwaan gelinta madaniga ah ee Somaliland oo uu tilmaamay n ay tahay hawl qaran oo dadweynaha gobolka Gabilay ku baraarujiyeen. Mustafe Shiine  waxa uu sidaas  ku sheegay Waraysi uu xalay khadka Telefoonka ugu waramayay wargeyska DAWAN.
.
Guddoomiyaha Gobolka Gabiley oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay asaabaha loo xidhay labada weriye ee gobolkaasi uga soo warami jiray TV-yadda Horn Cable iyo Somsat,  waxa uu yidhi “Weriyeyaasha waxaanu u xidhnay sabab la xidhiidha ammaankooda ka dib markii ay war been ah ka sheegeen masuuliyiinta iyo taageerayaasha  Xisbiga KULMIYE oo shalay(Doraad) xaflad qabsaday ka dibna ay isku af-dhaafeen in yar oo lacag ah ka dibnaa weriyeaashu been abuur ka sheegeen, taas oo keentay in masuuliyiintaasina ay hanjabaad kaga jawaabeen been abuurkaas markaa  sidaas ayaanu  u xidhnay dacwadoodana waxaanu u gudbinay Maxkamadda iyadoo u dhaxaysa masuuliyiinta iyo weriyeyaasha markaa xadhigoodu waa sidaas.”
 
Guddoomiyaha oo aanu weydiinay sida ay wax uga jiraan muddaharaad ka dhacay Gabilay oo lagu gubay Calanka KULMIYE  iyo  in ay jiraan dad ka qayb qaatay muddaharaadkaas oo la qabtay,waxaanu  yidhi  “Halkan (Gabilay) kamuu dhicin muddaharaad lagu gubay calanka KULMIYE,  laakiin waxa kaliya ee aanu aragnay waa weriyeyaal kaligood duubay calan cidla yaalla oo gubanaya marka uu muddaharaad jirana wax qarsooma maaha oo waxaa la arki lahaa dadka muddaharaadaya oo socda,  laakiin waxaa kaliya ee ay weriyeyaashaasi sii daayeen calan cidla yaalla oo la gubayo,markaa iyaga ayaa sheegi doona cidda mudaharaaday ee calanka KULMIYE  gubtay.”
 
Mustafe Shiine oo ka jawaabayay su’aal  ahayd waxa uu kala socdo in taageereyaal badan oo taabacsanaan jiray KULMIYE ay u digo-rogteen axsaabta mucaaridka ah, waxaanu yidhi  “Shalay(Doraad)ayay Xisbiga KULMIYE Shir qabsadeen isla markaana isugu yimaadeen guud ahaan taageerayaasha iyo masuuliyiinta heer gobol iyo Degmo ee Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabilay,waxaanay halkaa ka  ka caddeeyen in ay dhammaantood wada joogaan oo aanay jirin cid ka baxday Xisbiga KULMIYE,waxaanay caddeeyeen in aanay waxba ka jirin wararka ay sheeganayaan xisbiyada mucaaridka ah ee ay leeyihiin cid baa nagaga soo biirtay KULMIYE iyagoo intaa ku daray in ay wada joogaan dhammaan masuuliyiin iyo taageerayaalba.”
 
Guddoomiyaha Gabiley oo ka hadlayay siday hawsha diiwaan-gelinta madaniga ah ay ugu diyaar-garoobeen iyo sida ay bulshaddu u fahamtay waxa uu yidhi “Diiwaan gelinta madaniga ahi  waa hawl qaran oo aad u muhiim ah isla markaana dadweynaha reer Gabiley waanu ku wacyi gelinay in ay is diiwaan galiyaan ,waana u diyaar diiwaan galinta madaniga ah sababtoo ah diiwaan gelinta muwaadiniintu waxay dhamaystiraysaa qofka waddaniyaddiisa dadka reer Gabileyna waxay ku baraarugsan yihiin  in ay noqdaan dad is wada diiwaan geliya oo dhammaantood wada qaata kaadhka jinsiyadda.”
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply