Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland

0
380

“Xooluhu Waa Laf Dhabarta Nolosheena Waxay Somaliland Ku Dagan Tahay Weeyaan Hadday Noqoto Dhaqaale Iyo Haddii Ay Noqoto Nolosha Dadkaba” Madaxweynaha Somaliland  Mudane Axmed Siilaanyo
 Madaxaweynaha Somaliland Md; Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa xadhiga ka jaray todobaadkii la soo dhaafay dhismaha cusub ee wasaarada xanaanada xoolaha oo dib-u-dhis balaadhan lagu sameeyey kaasi hore u ahaan jirtay dhisme duuga, dhismahan oo ay maal galisahay xukuumada Somaliland ayaa ka kooban dhisme laba dabaq ah hore loogu daray Bajadka Dawlada.
Munaasibada lagu furayey dhismahan Cusub ayaa waxa lagu qabtay xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland ee ladhisay, waxaana ka soo qayb galay Madaxwaynaha Somaliland, Xubno wasiiro ah oo ka mid yahay Wasiiraka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
Ugu horayn waxa munaasibadaasi ka hadlay Mustafe Cali Deeq oo gudoomiye ka ah Urur ka shaqeeya Horur marinta Caanaha Xooha oo hoostaga Wasaarada Xanaanada Xoolaha waxaanu ka waramay hanaanka iyo siday u hor mariyeen Caanaha Xoolaha oo madashaasi lagu soo bandhigay madaxwaynahana lagu maamusay waxaanu sheegay inuu ururkaasi u baahan yahay in la taageero.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xanaanada XoolahaDr. Jaamac Maxamed Odowaa,  ayaa faah faahin ka bixiyey dhismaha iyo marxaladihii uu soo maray waaxaanu sheegay inay dhismahani ka mid yahay dib-u-dhiska ka socda wadanka ee ay wado Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo, dhinaca waxa isaguna ku dheeraadaada Waxqabadka wasaarada Xanaanada Xoolaha Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir isagoo sheegay inay Wasaaradu dhinac walba ka samaysay Waxqabad Muuqda.
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo u ugu dambayntii halkaasi khudbad ka jeediyey  ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay futritaanka dhismaha cusub wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland, waxaanu tilmaamay ahmiyaha xoolaha nooli u lee byihiin dalka waxaanu sidoo kale cadeeyay in ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka Somaliland “ Farxad wayn bay ii tahay inaan ka qayb galo furitaanka daartan wasaarada xanaanada xoolaha, inaga xooluhu waa laf dhabarteena, laf dhabarta Nolosheena, waxay Somaliland ku dagan tahay weeyaan haday noqoto dhaqaale iyo hadii ay noqoto nolosha dadkaba waa waxaynu ku dhisan nahay, sidaa darteed inaynu ahmiyad ay leedahay siinaa waa jib ina saaran weeyaan, aad baan ugu mahad naqaya wasaarada iyo intii ka qayb gashay wasaarada iyo dhismaheedaba”ayuu yidhi Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
 
 
 
 
 

Leave a Reply