Nin Maraykan ah oo dhex seexda Shabeello kana soo dhex toosa Libaaxyo

0
362

Nin u dhashay dalkaasi Maraykanka ayaa noqday nin habeenkii dhex seexda shabeelo halka uu subixiina kazoo tooso libaaxyo dhexdood,taas oo noqotay mid aad uga yaabisay dadkii daawaday film laga diyaariyey.
Ninkan ayaan keliyaata seexan meel laakin la ciyaara,sidoo kalena la legdama,iyada oo taas lagu tilmaamay inay tahay halis uu naftiisa gelinaayo.
Ninkan oo lagu magcaabo Carl Bovad ayaa ah mid degan Florida,waxaanu gurigiisa ka dhex dhisay beer ta xayawaanka ah,isaga oo ku wereejiyey beertaasi xayawaanaad badan,kuwaas oo isugu jira xawayaanka caalamka ugu khatarta badan iyo kuwo aan khatar ahaynba.
Waxaanu ku dhex sameeyey beertaasi bar uu ugu talogalay in lagu dabaasho,waana meel aad u weyn oo ay wax waliba isugu iman karaan,taas oo ah ta keentay inuu dhex seexdo xayawaanadaasi lana ciyaaro .
Siday qortay jariirada lagu magcaabo Daily Mirror oo laga lee yahay dalkaasi Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ninkan lagu magcaabo Carl Bovad uu yahay nin khatar badan ku sugan,isaga oo hore ugu waayey mid kamid ah indhihiisa ciyaarta xayawaankaasi.
Ninkan ayaa ah mid ilaa yaraantiisii ku hamiyi jiray inuu xayawaanka ku dhex noolaado,isaga oo usoo iibiya waxyaalaha ay quutaan,waxaanu maalintii siiyaa una soo iibiyaa hilib dhan 700 kg ,kaas oo uu u kala qaybiyo xayawaanad isugu jira Libaaxyo,Shabeelo,Harimacad iyo Yaxaasyo.
 

Leave a Reply