Aroos Isku Dayay Inuu Gabadhiisii Dhabarka ku Geeyo Goobta xaflada aqal-galkoodu ka dhacaysay

0
354

Wiil aroos ah ayaa dhulka ku dhacay kadib markii uu isku deyey inuu aroosada ku geeyo dhabarkiisa meesha ay ka dhacaysay xaflada arooskaasi,iyada oo ay halkaasi ku sugnaayeen dadkii xaflada ka soo qayb galay.
Arrintan ayaa noqontay mid dadku aad uga naxeen ,iyada oo ay laba caruus marayeen meel u dhaxaysa goobta xaflada iyo meeshii ay kazoo bexeen,waxaana mar kaliyaata ishu qabatay arooska oo sida aroosada iyo iyaga oo dhulka ku dhacay,taas oo keentay in dadkii ku yaacaan.
Qaar kamid ah dadka ayaa qabtay oo ka kiciyey meesha ,waxaana dhicitaankooda sabab u ahaa mar mar yaaley meesha ay marayeen oo la siibtay labadaasi qof,gaar ahaana arooska aroosada tuurta ku siday.
Waxaana goobta soo gaadhey markiiba oo caawiyey dadkii ka ag dhowaa,iyada oo uu halkaasi kasii wadey xambaarkiisii,waxaanu isaga oo sida geeyey meeshii loogu talo galay,isaga oo rumeeyey hamigiisii uu dhexda kula dhacay ee ahaa inuu aroosada ku geeyo goobta xaflada arooska dushiisa.
 

Leave a Reply