Pakistaan Oo Lagu Qabtay Nin Hilibka Dadka Laasimay

0
433

Nin u dhashay dalkaasi Pakistan ayaa la qabtay kadib markii la ogaadey inuu cunno hilibka dadka,waxaana gurigiisa dhexdiisa loogu tegey madax gabadh yar oo uu cunay,taas oo lasoo qaaday iyadana.
Mid kamid ah saraakiisha ciidamada amaanka dalkaasi Pakistan ayaa sheegay inay ninkaasi qabteen kadib markii ay dadka jaarka la ah ninkaasi ay u sheegeen inuu ninkani sitay madax wiil yar oo uu kala soo baxay mid kamid ah qubuuraha magaaladaasi.
Ninkan ayaa laga qabtay magaalada Bhecr  ee gobolka Punjab oo dhaca barriga dalkaasi Pakistan,waxaanay ciidamadu weli baadhayaan ninkaasi walaalkiis,kaas oo baxsaday ka hor intii aan ninkaasi la qaban,waxaana jiray tuhun ahaa in labadan nin ay hilibka dadka cunaan oo loo xidhay sannadkii 2011-kii.
Sidoo kale isla sannadkaasi ayaa labadan nin waxa loo xidhay hilib dad oo ay cuneen,iyada oo la sheegay inay xabaalaha dadka kala soo bixi jireen,waxaana la ogaadeyn inay cuneen ilaa 150 mayd.
Waxaanay labadaasi nin oo ah walaalo ay qirteen inay cuni jireen dadka kadib markii ay aabohood iyo hooyadoodba ay dileen,sida ay saraakiisha ciidamadu sheegeen.
Ragan ayaa la sii daayey muddo sannad ka hor ah iyaga oo jeelka kazoo baxay,mana jiro wax sharci ah oo u yaala hilibka dadka oo la cuno iyo sida laga yeelaayo cidii lagu qabto.
 
 
 

Leave a Reply