Wargeyska Forbes ee ka soo baxa dalka American ayaa tilmaamay inuu ninka lagu magacaabo Jack Ma oo ah aasaasihii shirkadda, “Ali Baba” ee dalka Shiinaha uu kaalinta hore kaga jiro maalqabeenada dalkaas isagoo haysat hanta dhan $ 19 billion.
Maalqabeenkana ayuu wargeysku tilmaamay inay hantidiisa ay laban lab ku korodhay intuu sannadkii hore haysay faa’iidadan ayaa loo malaynayaa inay tahay ka dib markii uu iibiyay saamiyo ka mid ah saamiyada sharkadiisa Ali Baba.
Waxa ay ahayd markii uu Jack xagga hore soo galay horaantii sanadkan, meesha ugu horeysa liiska ee dadka hodanka ah ee China, sida ay qodaabacday jariirada Huron oo fadhigeedu yahay Shiinaha, taas oo lagu qiyaasay in uu maal ka badan $ 25 billion uu haysto.
Kaalinta labbaad ayaa waxa ku jira Robin Li, oo ah aasaasaha shirkadda Badiou ee adeegyada Internet caan ah sida “Google of China”, ayaa ku jira kaalinta labaad waxaanu haystaa hanta dhan $ 14 billion, marka la barbar dhigo $ 11 billion sanadkii la soo dhaafay.