Yamen: Dhinacyada oo kala Saxeexday Heshiis

0
376

Kooxaha isku haysta siyaasada Yemen ayaa saxiixay heshiis dhigaya Madaxweynaha iyo Ra’iisalwasaaraha inay sameeyaan dowlad wax qabad leh, si looga hortago dhibaatooyinka siyaasadeed iyo dagaalka ka jira dalka.
Heshiiska ayaa waxaa saxiixay wakiilada ka socda mucaaradka shiicada ee Xuutiga iyo Sunniga, waxaana goobjoog ka ahaa wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Yemen Jamal Benomar.
Xuutiga ka socda waqooyiga Yemen ayaa qabsaday magaalo madaxda Sanca dhamaadkii September, waxayna siiyeen madaxweynaha Jimcihii toban maalmood inuu ku dhiso dowlad cusub.
 

Leave a Reply