Maalin Ka Mid Ah Noloshii Rasuulka (Scw)

0
542

Rasuulka Allah (scw) wuxu ahaa mid aad u naxriis badan waxaana uu ku yidhi Xadiis “ Kuwa naxariista , raxmaanka ayaa u Naxariista”
Rasuulku (scw) dhib badan ayuu kala kulmay Maka iyo gaaladii deganayd, ka dibna wuu iskaga tegay isagoo magalada Daa’if  u baxay, oo uu rabay inay taageeraan risaalada xagga Allah uga timi. Nasiib darose dumarkii iyo caruurtii ayay ku direen oo dhagxan la dhacay. Dhib badan ayaa soo gaadhay lugihiisana dhiig ayaa ka socday. Dareenka Rasuulkuna(scw) aad ayu isu bedelay, waxaana uu arkay Malakul Jibrill oo ku yidhi “ Allah waa maqlay waxay qawmkaagu ku yidhaahdeen, iyo siday kula dhaqmeen, waxaana uu kuu soo diray Malaga buuraha si aad ugu amarto wixii aad rabto”
Ka dibna Rasuulkii (scw)  wuxu yidhi :” Malaggii Buuraha ayaa ii dhawaaqay oo i salaamay, waxa uu igu yidhi “ Maxamedow waa adigu sida aad doonayso dooro, hadaad doonto labadaa buurood ayaan iyagoo ku dhex jira isku dhirbaaxayaa.  Rasuulku  (scw) aad ayuu u naxariis badnaa waxa uu yidhi:- Mayee waxa aan rajaynayaa in Allah (sw)  dhabaradooda ka soo saaro kuwo Alleh keligiis caabuda oo aan u shariig yeelin ee iska daa”.

Leave a Reply